|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Dhambaal Tacsi Ah Udiray Muj Maxamuud Boodhle (Waran) Oo Ku Geeriyooday Gabiley!
November 5, 2019 - Written by Editor:INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Mujaahid Marxuum Maxamed Boodhle Maxamuud oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 05/11/2019, magaaladda Gabiley. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey halgamaa ka baxay dalka iyo dadka, door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii, nabadayntii iyo dib u xorayntii dalka. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Related posts:Dhammaan Dadkani Waxay TACSI Tiiraanyo Leh U Dirayaan Badhasaabkii Hore Ee Gobolka Gabiley Oo Aabih... Daawo:Waraysiga Taliyihii Hore Ee Militariga Somaliya General Galaal Oo Uu Kaga Hadlay Arimo Badan ... Wasiirka Gaashaandhiga Iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka Oo Hortagay Golaha Wakiilada Iyo Nuxurka Warbix... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|