Maayarka Magaalada Gabiley Oo Agabyo Kala Duwan Gaadhsiiyay Xarumaha Agoomaha Gabiley, Farxada Xuska Dhalashada Nabiga (N.N.K.H) Awgeed, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maayarka Magaalada Gabiley Oo Agabyo Kala Duwan Gaadhsiiyay Xarumaha Agoomaha Gabiley, Farxada Xuska Dhalashada Nabiga (N.N.K.H) Awgeed,
November 9, 2019 - Written by Editor:

Gabiley-(W,N)- Gudoomiyaha Golaha Degaanka Degmada Gabiley Ahna Duqa Degmada Gabiley Mud: Maxamed-aamiin Cumar Cabdi iyo Mudanayaal ka tirsan xubnah golaha degaanka ayaa maanta kulamo booqasho iyo farxad la qaybsi ah la qaatey Caruurta Agoomaha ah ee ku kala jira Xarumaha Gobalka gabiley sida xarunta Dawladu ay gacanta ku hayso ee agoonta iyo tan ay hay’ada Kuwait gacanta ku hayso, Igagoo awlaadaasi yar-yar ku wareejiyey agab u badan raandiis ama meecaad ay cunaan xiliyada “Break Time”ka, gudoonsiiyey.

Aminta ay booqashadani ku soo beegmayso ayaa ah maalin barkhadeed oo barakeysan Waa dhalashadii Nabbiyu-laahi Muxamed “N.N.K.H”, Gaalaa-bixinta safarkani labada xarumood ayaa daarnaa gaadhsiinta Agabkaasi uu Gudoomiyaha golaha degaanka degmada gabiley iyo teamkiisa golaha degaanku ugu tala-galeen ardeydaasi agoomaha ah iney break timekooda qaataan ku gudoonsiiyeen labada xarumood gudahooda iyagoo si il-dheer ahna ugu kuur-galey xaaladooda dhabta ee ay ku sugan yihiin caruurtaasi agoomaha ah ee lagu daryeelo xarumuhu, Talabaadani ayaa ah mid horumineed oo ku uguba dhamaan gayiga Soomaalidu dagto iyo dawlada Somalilandba.

Xubnahan uu maayarka magaalada gabiley  gadh-wadeenka ka ahaa ayaa  Xarunta agoomaha ee dawladu maamusha ah,  caruurta ku jirta goobtaasi  kula qatay kulan si ay ula  qaybsadaan dareenka masuuliyadeed ee ka saaran caruurta waxay tuseen sida ay ugu han-weyn ka maamul ahaan, Fursadan lagu haleelay caruurta in la dareensiiyo dhamaan amuurahani ayaa aheyd mid lagaga faa’iideysanayo maalinta la nasanayo ee la xusayo lana weynaynayo Rasuulkii sharafta mudnaa ee Raxmaanku ku galadey Kheyru-khalqi-laaha, Waa mid xusid mudan aadna u taabatey damiirka iyo deexda ubadkaa san ee curdinka ah ee qaranku ganacta ku hayo

WAJAALENEWS DESK

GABILEY OFFICE.

 

COMMENTS
LINKS