Ma Jiraa Dhul Madaxwaynuhu Ku Leeyahay Xaafada Shacabka Ee Maayar-kuxigeenku Sheegay? Iyo Ka Been Sheegista Dhulka Uu Qoyskiisu Ku Haysto Dadka Danyarta Ah! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ma Jiraa Dhul Madaxwaynuhu Ku Leeyahay Xaafada Shacabka Ee Maayar-kuxigeenku Sheegay? Iyo Ka Been Sheegista Dhulka Uu Qoyskiisu Ku Haysto Dadka Danyarta Ah!
November 26, 2019 - Written by Editor:

“Waxaan Leeyahay Majirto Cid Uu Dhul Ka Qaaday Madaxwaynaha Jsl Ee Halaga Xishoodo”Maayar Kuxigeenka Hargaysa.

“Alla Doori Afkana Waa Yaqaan Waase Ka Agnaan. Maxaa Ka Jira In Madaxwayne Biixi Dhul Uu Ku Leeyahay Xaafada Shacabka Hargaysa ku wareejiyay Dawlada Hoose? Maxaase ka Run Ah Hadalka Maayar Kuxigeenka Caasimada Cabdicasiis Cagawayne?

HARGAYSA(W,N)-Maayar kuxigeenka Caasimada Hargaysa ayaa isagoo Warbaahinta la hadlaya wuxuu sheegay In Madaxwaynaha Somaliland ku wareejiyay dhul uu leeyahay oo ku yaala xaafada Shacabka hargaysa ee uu degan yahay  isagoo sheegay in uu Yidhi madaxwaynuhu dhulkaasi dawlada xafiisyo halooga dhiso.

Sidoo kae maayarkuxigeenka caasimada ayaa ku biiray Masuuliyiinta dawlada hoose ee iyagu difaaca unoqday qoyska madaxwayne muuse biixi oo ay dhul isku haystaan dad shacab ah kaasi oo ku yaala galbeedka hargaysa agagaarka buurta kala Jeexan dhulkan oo ay ka dhisan yihiin boqolaal guri,

Sida ay wada og yihiin shacabka reer Somaliland madaxwaynaha somalland muuse bixi cabdi wuxu degan yahay xaafada shacabka ee magaalada hargaysa gurigan uu ka degan yahay ayaa ah guri dawladeed oo kamid ah hantida qaranka halka uu mudadii uu ku jiray ololahana dhistay qayb kamid dhulka dawlada oo ah barxadii udhaxaysay guriga marxuum Axmed Wayne Oo Isna ah dhul dawladeed islamarkaana ay maraysay wado isku xidha halka uu degan yahay madaxwayne biixi iyo xaafada state houseka,

Hadaba dhulka uu sheegayo maayarka kuxigeenku ee madaxwaynuhu ku wareejiyay dawlada kuna yaalo isla xaafada shacabku  xaguu ku yaala? Majirtaase dhulka shan baloodh ah oo ka banaan xaafada shacabka oo u badan dhul dawladeed

Hadalka maayar kuxigeenka ayaa u eeg mid af goobsi ah islamarkaana uu ku qurxinayay difaaca indho la,aanta ah ee uu ku difaacayo dhulka ay isku haystaan qoyska madaxwayne biixi iyo boqolaalka qoys ee kamid ah shacabkii madaxwaynaha codkooda siisay dhulkana degaan mudo 25sano ka badan balse wakhtigan awooda madaxwaynaha lagaga qaadayo dhulkoodii ay  degenayeen ee inankii ku dhashay uu ku dhalay,

Maaha markii uhoraysay ee masuuliyiinta dawlada hoose sidan oo kale udifaacaan qoyska biixi iyagoo indhaha ka qarsanaya sharciyadii lahaanshaha ee ay dadka ka dawlad hoose ahaan usameeyeen.

Maayarka kxuigeenka caasimada hargaysa ayaa isagu ah masuul aan inta badan ku hadal hadalo la miisaan ah oo xilka uu u hayo bulshada uqalma kaasi oo badi muuqaalada laga duubaan ubadan yihiin kuwo ceeb ku ah milgaha masuuliyada uu hayo islamarkaana banaanka keenay shakhsiga dhabta ah ee uu yahay iyo sida nasiib daradu ugu habsatay hawladeenadii loo doortay ka shaqanta bilicda caasimada iyo hagaajinta wadooyinka burburay ee aad moodo kuwa aan cid xilka saarani aanay jirin

Sikastaba ha ahaatee  hadalka maayar kuxigeenka caasimada Hargaysa ayaa noqonaya hadalkii sedexaad ee kasoo baxa masuuliyiinta dawlada hoose ee caasimada hargaysa ee ku Aadan dhulka muranku ka taagan yahay ee qoyska madaxwayne biixi iyo boqolaal qoys oo kamida shacabka reer Haragysi Isku Haystaan, waxayna tani ka markhaati kacaysaa sida indho la,aanta ah ee masuuliyiinta dawlada hoose udifaacayaan awood sheegashada qoyska madaxwayne biixi oo noqonaysa “garmaqaate jaan iyo dadkaa beera Ruux Gudhan,

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS