|
|||||
WAJAALE NEWS
Kal-fadhigii Golaha Wasiirrada Oo Lagu Ansixiyey laba Xeer.
November 21, 2019 - Written by Editor:Hargeysa-(W,N)-Kalfadhigii 45-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ee maanta oo uu gudoominayey madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta lagu ansixiyey xeerar, iyada oo sidoo kale lagu meelmariyey wax-ka-beddel lagu sameeyey qaar kamid ah xeerarkii hore u jirey. Dood dheer iyo falanqeyn kaddib waxa ay golaha wasiirradu fadhigooda ku ansixiyeen: 1.Qabyo-qoraalka ka hortagga xeerka la dagaallanka ganacsiga iyo tahriibinta dadka iyo 2.Wax ka-beddelka iyo kaabista la dagaallanka xeerka mukhaadaraadka Xeer Lr. 21/2002 oo isagu hore u jirey, waxanay xeerarkani u gudbi doonaan golaha wakiilada Somaliland, iyagoo wax weyn ka tari doona Mushkiladaha iyo dhibaatooyinka ka yimaadda Tahriibinta dadka iyo la dagaallanka Mukhaadaraadka dalka soo gala, HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;
Related posts:DAAWO; Majaajilaystaha Caanka ah Ee Sooraan Oo Masraxad Cusub Kusoo Bandhigay Dalabka Abwaanada Iyo... Dawladda Imaaraadka Carabta Oo Somaliland Uga Soo Dacwootay Wakiilkii Hore Ee Jsl U Joogay Abu Dhabi... DAAWO; Suldaan Mawliid Ibraahim Oo si Adag ugu Jawaabey Suldaan Maxamed Xirsi Qani iyo Wasiir Xir... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|