|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudoomiye faysal Cali Waraabe Oo Dalka Kenya Kulamo Kula Yeeshay Raysal Wasaarihii Hore Ee Somaliya Iyo Madax Kale.
November 27, 2019 - Written by Editor:NAIROBI(W,N)-Gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Oo Maalmihii udanbeeyay Ku sugan magaalo Madaxda Dalka Kenya Ee Nairobi Ayaa kulamo gaar gaar ah kula yeeshay Madaxda katirsan somaliya iyo madaxwaynaha Maamul goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe .
Gudoomiye faysal cali waraabe ayaa madaxda shirarka Uu la qaatay waxaa kamid ah Raysal wasaarihii hore ee somaliya Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo masuuliyiin kale kuwaasi oo aan si cad loo shaacin waxyaabaha ay ka wada hadleen iyo waxa uu daaran yahay kulamada Uu la qaatay masuuliyinta somaliya. Sidoo kale madaxda faysal cali waraabe kulamada la yeeshay ayaa waxaa kamid ahaa raysal wasaare kuxigeenkii hore ee somaliya maxamed cumar carte oo deegaan ahaan kasoo jeeda somaliland. Wararka laga helayo kulamada dhexmaray madaxda somaliya iyo Gudoomiye faysal waraabe ayaa sheegaya in ay wada hadleen arimo dhowr ah oo ku saabsan siyaasada cakiran ee ka dhex taagan Somaliland iyo somaliya oo xukuumada madaxwayne farmaajo wakhtigan duulaano siyaasadeed kusoo qaaday jamhuuriyada somaliand halka ay dhinaca kale khilaaf culus ka dhexeeyo madaxda maamul goboleedyada somaliya sida jubaland oo uu kulan gaara Eng Faysal cali waraabe ay wada yeesheen madaxwaynaha maamul goboleedka juba land Axmed madoobe, Talaabooyinka siyaasadeed ee Gudoomiyaha xisbiga ucid kula yeeshay masuuliyiinta somaliya ayaan si cad loo ogayn saamaynta ay ku yeelan karto Somaliland ka talaabsiga xeerkii uyaala Somaliland ee ahaa in aan lala kulmi Karin masuuliyiinta somaliya gaar ahaan cid aan ahayn xukuumada oo iyadu maan dhayt u haysata kulamada ay la yeelanayso koonfurta somaliya halka uu xeerkani ka mamnuucayo in aan cid kale oo magaca Somaliland sheeganaysaa la kulmi Karin somaliya iyo siyaasiyiinteeda, Gudoomiye faysa cali waraabe ayaa isagu dalka Kenya u tahay Arimo la xidhiidha khilaafka dhinaca Doorashada ka dhexeeya xukuumada iyo xisbiyada mucaaridka oo uu magaalada nayroobi kula kulmayay wadamada Somaliland ka taageera doorashooyinka oo iyagu saluug iyo walaac ka muujiyay mudo kordhinta xaddhaafka ee golaha guurtidu usameeyay golaha wakiilada xili lagu muransan yahay komishanka cusub ee doorashooyinka Somaliland. WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|