Golaha Wakiilada Oo Loo Balanqaadey Mudo Kordhin Loo Samaynayo, Shuruuda Lagu Xidhay Ee Ah In Ay Meel Mariyaan Riyo-Raac Iyo Doorka Gudoomiyaha Guurtidda! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Golaha Wakiilada Oo Loo Balanqaadey Mudo Kordhin Loo Samaynayo, Shuruuda Lagu Xidhay Ee Ah In Ay Meel Mariyaan Riyo-Raac Iyo Doorka Gudoomiyaha Guurtidda!
November 5, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa la Sheegay in uu Sandule kaga dhigay kamid ahaanshaha Konishanka Cusub Xubinta dhawaan dib U.kicisey Murrankii Xubnaha loo qaadanayo Komishanka Doorashooyinka Cabdirishiid- Riyo Raac oo uu isagu adeer u yahey, Waxaanay Wararka xogaha laga helayo, Sababta ay Xukuumadu isugu adkaysay Xubintan islamarkaana, ay u Dafirayso kamid ahaanshihiisa Xisbiga Kulmiye ee uu ka gaystey hadaladda Xanafta leh Xiligii ololaha.

Waxa kale oo ay Wararku Tibaaxeen in Gudoomiyaha Golaha Guurtidu Saleebaan Maxamuud Aadan uu Golaha Wakiilada iyo Shirgudoonkiisaba ku Wargaliyay in loo Samayn doono Muddo Kordhin Dambe oo ay kawada socdaan Madaxweynaha iyo Wasiirkiisa Arimaha Gudaha sidaa daraadeedna, ka Gole ahaan Looga baahan Yahey in ay Duuduub ku Ansixiyaan Xubinta Komishanka ee ay ka Biyo Diidsan Yihiin Xisbiyadda Mucaaridka ahi.

Sidoo kalena Waxa uu Shuruud uga dhigay Madaxweyne Biixi in uu Golaha ka Heli Doono Taageero islamarkaana, mudada loo kordhin doono si aan loo Qaban Doorashadii Golaha Wakiilada Golohuna isku hortaagin Talaabooyinka dhinaca Xukuumada kasoo baxa.

Waana sidaa sababta uu Madaxweyne Buuxi ugu Riixayay Golaha Baarlamaanka Diidmada ay Xisbiyadu Mucaaridku ku Dureen Xubinta Cabdirashiid Riyo-raac

Dhanka kale qorshaha uu gudoomiyaha Galaha  guurtidu gadhawadeenka ka yahay ayaa hadii uu hirgalo noqon doona mid saamayn balaadhan ku yeesha in dalka ay ka hirgalaan doorashooyinka mudo dhaafay ee golaha wakiilada iyo deegaanka taasi oo dhawac kale ku noqonaysa  Geedi socodka hanaanka dimuqraadiya Somaliland oo intii talada dalka ay la wareegeen xukuumadihii kale danbeeyay ee xisbiga kulmiye marba marka ka danbaysa hoos usii dhacaysay hirgalinta Doorashooyinku Wakhtigii loogu talo galay iyadoo dhanka kale usii gogol xaadhaysa mudo kordhin loo sameeyo xukuumada madaxwayne biixi lafteeda taasi oo sobob looga dhigay in suurto galinayaan dib dhaca doorashada golaha wakiilada ee markii labaad mudada uu madaxwayne muuse biixi xilka hayay.

Kiastabaha ha ahaatee  waxaa laga war sugu doonaa halka uu biyo dhigto doonista gudoomiye saleebaan, dooda xukuumada iyo diidmada xisbiyada mucaaridka ee laba xubnood ee madaxwayne bixi usoo xulay ka mid noqoshada komishanka cusub ee lagu marunsan yahay buuxinta shuruudihii laga doonayay xubinta komishanka noqonaysa iyo hirgalinta heshiiskii xukuumada iyo xisbiyada Somaliland.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

WAJAALE STAFF,

 

COMMENTS
LINKS