|
|||||
WAJAALE NEWS
Golaha Wakiilada Oo Ansixiyay Miisaaniyada 2020 Iyo Meelaha Ay Waxka Badalka Ku Sameeyeen.
November 30, 2019 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Golaha Wakiilada JSL ayaa maanta ansixiyey Odoroska miisaaniyada Qaranka ee 2020. Golaha ayaa dood dheer ka dib waxay raaciyeen waxna ka bedeleen Miisaaniyadii dawladu u soo gudbisay golaha waxaanay ku lifaaqeen Goaanadan hoos ku qoran. Soo Jeedinta Miisaaniyadda 2020. Soo jeediinta dooda Mudaneyaasha ee Miisaaniyadda Qaranka 2020 qodobada ka soo baxay ee lagu ansixiyey Miisaaniyada guud ee Qaranku waa sidan 1) In Madax/xigaha 26404408 ee kabka Xisbiyada laga jaro lacag dhan 3,500,000,000 (Saddex Bilyan iyo shan boqol oo milyan) lacagtaas oo loo wareejinayo Cusbitaalada waaweyn ee Dalka (Hargeysa, Berbera, Borama, Burco, Ceerigaabo iyo Laascaanood) 2) in Mad/xigaha 2211348 ee Miisaaniyadda Wasaarada Arrimaha Dibada ee sanduqa aqoonsi raadinta Somaliland laga jaro 1,500,000,000/= (Hal bilyan iyo shan boqol oo milyan ) Bilyan oo lagu daro qoondada Wakiilada si ay uga qayb-qaataan aqoonsi raadinta. Soo jeediinta Guddida dhaqaalaha ee Miisaaniyadda qaranka 2020.
Related posts:Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Oo Ku Dhawaaqay Natiijada Imtixaanka Shahaadiga Ee Dugsiy... Komishanka Doorashooyinka Qaranka Oo Shaaciyay Wakhtiga Ay Ku Qaban Karaan Doorashada Madaxtooyada! DAAWO;-Kala Duwanaanshaha Hadaladii Madaxwayne Biixi Iyo Farmaajo Ay Ka Yidhaahdeen Qodobadii Kasoo ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|