|
|||||
WAJAALE NEWS
Golaha Wakiilada Jsl Oo Maalinta Bari ah La Horkeenayo Xubnaha Komishanka Cusub Iyo Dhaq Dhaqaaqyada Xukuumada Iyo Xisbiyada Mucaaridka!
November 11, 2019 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Golaha Wakiilada Somlailand ayaa Maanlinta Bari ah la Horkeenayaa Lix kamid Xubnaha Cusub Ee Komishanka Doorayooyinka, xili khilaaf ka taagan yahay laba kamid ah xubnaha komishan cusub ah oo xisbiyada mucaaridku diidan yihiin kamid Noqoshadooda. Golaha Wakiilada ayaa lagu wadaan in ay gudo galaan Ansixinta Xubnaha Cusub ee komishanka iyadoo uu ka maqan yahay xubintii xisbiga Wadani u Matali Lahayd Komishanka Doorashooynka,Kadib markii ay shaaciyeen in ay la laabteen, Wararka laga helayo ololaha xukuumadu ugu jirto sidii loo Ansixin lahaa xubnaha cusub ee komishanka ah ayaa laga dareemayaa caawa magaalada hargaysa taasi oo sida xogaha laga helayaan tibaaxeen ay xukuumadu diyaarsatay inka 58 xildhibaan Dhanka kale wararka laga helayo xisbiyada mucaaridka ah ee Wadani iyo ucid ayaa iyagu dhankooda ku hawlan sidii ay umuujin lahaayeen diidmada ay ka qabaan ansixinta xubnaha komishanka iyagoo abaabul culus ugu jira sidii ay xildhibaanada kasoo kala jeeda wadani iyo ucid golaha dhexdiisa uga sheegi lahaa mawqifka xisbiyadoodu ka taagan yihiin, halka warar qaarna sheegayaan in ololaha labada dhinac ee xukuumada iyo mucaaridka ahi ay buuq galiso fadhiga golaha wakiilada ee maalinta bari taasi oo lafilayo in xukuumaduna xarunta golaha soo dhoobta ciimado tiro badan. Khilaafka ka tagaan qaarkamid ah xubnaha cusub ee komishanka doorashooyinka uu usoo xulay madaxwayne biixi ayaa laga cabsi qabaa in maalinta bari ah ay abuurto jawi sii Cakira muranka udhexeeyay xukuumada madaxwayne biixi iyo xisbiyada mucaaridka wallow aanay awood buurkan golaha ku haysanin xisbiyada wadani iyo ucid taasi oo suurto gal ka dhigaysa in si fudud loo ansixiyo dhamaan xubnaha komishanka ah iyadoo ay safka hore kaga jiraan labada xubnood ee Buddhiga u ah muranka xukuumada yo xisbiyadu oo kala Cabdirashiid Riyo Raac Oo isagu ahaa xubin siwayn uga dhex muuqatay xisbiyada kulmiye wakhtigii ololaha isagoo xilka wasiirnimana kasoo qabtay xukuumadii axmed siilaanyo iyo marwo kaltuun sheikh xasan cabdi Madar oo hore uga mid ahayd komishanka wakhtigan la badalayo halka ay dooda xisbiyadu ee ay ku diidan yihiin tahay marwo kaltuun ay madaxwayne bixi ku eedeaynayaa in uu jabiyay heshiiskii ay ka wada gaadheen komiishankii hore, Sikastaba ha ahaatee waxaa laga war sugi doonaa natiijada kasoo baxda golaha wakiilada maalinta bari ah wallow xukuumada madaxwayne biixi aanay marnaba diyaar u ahayn in Ay ka laabato go,aankeeda ah in komishanka cusub ay kamid noqdaan labada xubnood ee mucaaridku diidan yahay. WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|