|
|||||
WAJAALE NEWS
Dowladda Oo Dib u Dhigtay Muxaadarro Uu Galabta Muqdisho Ku Qaban Lahaa Sheekh Maxamed Cabdi Umal.
November 22, 2019 - Written by Editor:MUQDISHO (W,N)- Iyadoo Galabta lagu waday in Garoonka Eng Yariisoow [Ex Koonis] lagu qabto muxaadarro Shacabka reer Muqdisho uu jeedin lahaa Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa dib loo dhigay qabashada muxaadarradaas ilaa maalinta Axadda ah. Muxaadarrada Sheekh ayaa la sheegay in ay ku saabsan tahay arrimo la xiriira masiibooyinka iyo markii ay dhacaan sida loola tacaalo, laakiin haddana dhinaca kale marka la eego saacadihii ugu danbeeyayba waxaa soo ifbaxayay kala qeybsanaan weyn oo salka ku heysa Muxadaarrada Sheekh oo Culimada qaarkood ay ku eedeeyeen in uu ka mid ahaa Culimadii sida weyn u taageertay afgaarta xagjirka oo ilaa iyo hadda ay aaminsan yihiin Ururka Al-shabaab. Afhayeenka Golaha Guud ee Culimada Soomaaliya Sheekh Cabduqaadir Sheekh Maxamed Soomoow ayaa ku sheegay Sheekh Umal shaqsi faafiya afgaarta xagjirnimada, arrintaas oo uu Sheekh Umal ku tilmaamay mid aan sax ahayn ah. Dowladda Federaalka ayaa Guddi u xilsaartay qaban qaabada iyo qabsoomida Muxaadarada Sheekh Maxamed Cabdi Umal ku qabanayo Muqdisho.
Related posts:DAAWO; Muj Cali Guray Oo SI Adag U Weeraray Cali Waran-cadde "Warancade Nin Qolona Maaha,Waa Nin Qof... Ma Jiraan Wasiirro Ama Madaxda Sare Ee Qaranka Oo Maayarka Gabiley Gacan Ku Siiya Musuq Maasuqa Iyo... " Madaxdeena Na Dhaleecaynaya Waxaan Leenahay Noo Kaalaya..."Qaar Ka mid ah Hablaha Dhigta Jaamacada... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|