“Dhacdada Sawirkan Aan Waxyar Ka Yidhaahdo”.Saxafi Maxamed Cabdi Sheekh “Ilig” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Dhacdada Sawirkan Aan Waxyar Ka Yidhaahdo”.Saxafi Maxamed Cabdi Sheekh “Ilig”
November 17, 2019 - Written by Editor:

“Goobtu waxay Ahayd Xarunta Xisbiga kulmiye, waxa mudaharaad ku baaqay Xisbiga iyo Hogaankiisa oo wakhtigasi ahaa Ahmed Siilanyo, waxa goobta iskugu soo baxay dad ku dhaw 1000 qof, ujeedadu waxay ahay in laga hadlo dhibtaada ay Kulmiye ka tirsanayeen Daahir Rayaale, malintasi waxa xusuus gaara u lahaa dadkii goobtasi ka hadlay Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo Xisibiga Udub la tirsan oo isla xisbigiisa dhaleeceyay kagana soo horjeestay sida muddo kordhintii doorashada.

Mudaharaadka Ciidamada iyo Dadwayanhu siduu ku yimid?

Markii hadaladii lasoo gabo gabeeyay ayay Sarakiishii Xisbiga kulmiye ee meesha ka hadlay dadka ku guubabiyeen inay socdaan oo dareenkooda muujiyaan.

Dadka Goobta joogay waxay u soo dhaqaqeen dhinaca Garoonka dhalinta, intaanay soo wada dhaqaaqin ayaan kasoo horeeyay aniga iyo film qadihii ila socday Nuur Jirde, waxanu kusoo baxnay Poliis dhamaan xidhay waddada Guleed ilaa Darasalaam dhexmarta, waxanu istaagnay poliiska xagiisa danbe ee Hotelka Cusub ee baraar, markaanu sidaa u joogsanay ayay bilaabantay rasaaasta poliisku ku fureen dadka oo dhan oo uu horkacayo Axmed Siilanyo.

Halkee ayay u kala yaceen Mudaharadayashii?

Axmed Siilanyo iyo ilaa tiro aan ku qiyaasay liz qof oo ay kamid ahayeen, Xamarje, Wasiir Yurub, Xildhiban Obsiiye, bashiir Cabdisalaan waxay kala soo dhexbaxeen siilanyo Askartii xabada furaysay, muqaalka Siilanyo oo xabada kasoo dhexbaxaya waxa duubay Horn Cable TV iyo qolo kale oo aanan imika saxaynin lakiin Videogoda aan arkay.

Sawirka Halka ka muuqda ee Madaxwayanaha imika iyo Kuxigeenkii hore C.raxmaan aw Cali Farax oo waliba si gaara aan ugu qadariyo sxbtinimadii iyo wakhtigii SNM ee Aabahay iyo walaaladii oo mid kamidana dagaalkii buuraha lagu wayay, oo ay igu qadariyaan aqoon fiicana ay u leyihiin, adeerana ilaa imika yahay Sarakiisha poliska JSl.

Waxay u dhaqaqeen iyagu markii ay xabada kasoo dhex bixi kariwayeen dhinaca Dhalinta Kacaanka, iyaga oo xaga Sumertime iyo Guleed hotel dabadiisa u noqday.

Waxyaabaha ugu Cajiibsan waxa kamid ahaa markii Siilanyo soo lugeeyay ayay Ciidamo wata Xaajiyad poliis ah waxay ku qabteen Kayntii u dhawayd Jaamacada Alpha ee uu imika yahay Toyota Mariel, waxa lagu Amray inuu gadhisii Casaa oo landcruser ahaa uu raaco, sidoo kalena gurigiisa toos u tago, oo aanu u kici Karin dhinaca Madaxtooyada, marka Amrka lasiinayo Siilanyo waxa gadhisiisa Cas hirtaagan xaajiyad poliis ah, waxana qoriga ku haya Askari, Siilanyo wuu aqbalay, waxana Askar loo sii dhigay badan Goolada shacabka ee Gurigiisa looga qabto, gurigiisa ayuu tagay waxanu ku qabatay Shir jaraa’id oo uu ku darayo wixii dhacay oo Rayaale ku leeyahay naguma cabsi galin kartid qori iyo xabad iyo hadal kale oo dheer.

Siilanyo waxa ka muuqday daal badan, waxa uu xidhnaa shaadh buluug iila muuqda ilaa imika, waxa xataa ka furmay baldhamada qaar, waxa uu u cadhooday si aad u xun, bales Siilanyo way ugu shaqaysay oo dedaalkii iyo buuqii iyo kicintii, abaabulkii dhalinyaradu wuu u shaqeeyay waxanu is ticmalayay xirfad sare oo dadka uu farimihiisa iyo doodihiisa ku kasbanayo, markastana wuxuu Dawlada u tusayay dadka inay khaldantahay.

Hadaba manta Muddaharaadka maanta dhacaya muxuu kaga duwan yahay kii wakhtigaasi lasoo maray, cid lama boobin, cidna tageerayasha kulmiye ma dhawicin, cidna waxba may yeelin, waanay mudaharadeen waliba iyaga rasaas lala dhacay.

Ujeedada qoraalkayga ayaa ah xusuusin wixii soo dhici jiray maadama oo aanay dad badan la socon ama aanay goob joog u ahayn, ana wakhtigasi aanay sidan u fahamsanayn, xaalad aanay hore u aragna manta ugu horayso.

Maxaa xuquuq la kala leeyahay.

  1. In Xisbiyadu iskugu yeedhi karaan tageeradooda, inay mudaharadi karaan warqada sharciga ahna qadan karaan.
  2. Xeerku waxa uu u fasaxaya Xukuumada inay u ogalaato mudaharaad xisbiyada mucaaridka ah, sidoo kalena ay xafiis yadooda iskugu soo bixi karaan.

Hadaba si dhib looga baaqsado waxa muhiima in midkastaba xaqiisa sidiisa loogu ixtiraamo Mucaarid iyo Muxaafidba, xoriyada hadalka, qoraalka, iyo Socodkana muwadiniintu xaq u leeyihiin.

QALINKII SUXUFI; MAXAMED ILIG.

COMMENTS
LINKS