Dawladda Maraykanka Oo Sheegtay Inay Tixgelin Gaar Ah Siinayso Waraaqaha Dhalashada Iyo Guurka Ee Hay’adaha Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawladda Maraykanka Oo Sheegtay Inay Tixgelin Gaar Ah Siinayso Waraaqaha Dhalashada Iyo Guurka Ee Hay’adaha Somaliland
November 12, 2019 - Written by Editor:

Washington(W,N)-Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in tixgelin gaar ah la siiyo Dhukumentiyada ka soo baxa hay’adaa Somaliland, gar ahaan kuwa dhalashada, guurka iyo dhimashada.

Wasaaradda Khaarajiga Maraykanka ayaa Website-keeda ku baahisay in waraaqaha ka soo baxa hay’adaha Somaliland ay leeyihiin nidaam kayd oo wanaagsan, waxaanay sheegtay in la aqbalayo marka uu qofku dalbanayo dal-ku-galka Maraykanka.

Wasaaradda arrimaha dibadu waxay sheegtay in nidaamka kayd ee dhukumentiyadan ee Somaliland uu ka wanaagsanyahay kuwa Soomaaliya.

 

 

 

COMMENTS
LINKS