|
|||||
WAJAALE NEWS
Dadku Adiga Maaha!Qalinkii;Axmed Cali Kaahin Q1Aad.
November 15, 2019 - Written by Editor:Xikmad laga guntay dadkii hore oo sharaxaya la dhaqanka dadka waxay tusaale uga dhigeen, sida adigoo dahab qodaaya, Qodista dahabku marka la joogo qodista macdanaha waa mid kamida kuwa ugu dhibta badan, qurub yar oo kastaa waxa uu ku dhex jiraa ciid badan si ciidaa looga dhex baadho waa in biyo badan loo isticmaalaa baadhistiisa. Dadku adiga maaha haddii aad wax kasta ku cabirto naftaada ogow in aad nolol gaara iyo Aragti leedahay oo leh arimahan. (doonis, Diid, Jacayl, Go’aan, himilo), iyo doonis kala duwan. Qumanahaaga qoorta kuugu jira dadka ha ku qasbin iyo miisaan ka yar ee qalbigaaga dhexyaala, markastana garta dhankaaga u dheeliya, ka adkaw oo ha aqbalin, caddaalada iyo maanka oo ka xoog badan raac isagaa ka ildheere. Damaca gawrac gobanimaad maaliye. Dookhaaga gaarka ah kuwa kaa dookha gadisan ka dhawr kana ilaali dhulka adigu ma lihide. haddii kale dik’taytar yar oo bilaa dawlada ayaad noqon lagana haajiro ag fadhigiisa. Xushmadu waa waxa nolosha qiimaha u yeela. Cidii aan ku xushmayna ka durug weeyaan qaacidadu noloshu. Maadaama biyo iyo ciid badan la isticmaalo, dadkii hore waxay dhex dabaalan jireen ciidaa iyo dhoobaa si qurub yar oo dahab ah u helan. Sidaasi oo kale weeyi in dad dahaba la helo. waa haddii aad doonayso dad dahab, haddii kale dhoobo ku taaban mayso ee halkaagaad is ka fadhiyi ood go’doon ku ahaan. Dhinaca kale in aad dadka dhex gashaa ka khayr badan, in aad meel cidla ah is ka fadhiisato taasi macnaheeduna waa khasaare iyo faaiido midna diyaar uma tihid. Sidaa daraadeed helida dad dahaba maaha hawl yar oo is ka timaada faaiido badan oo aduun iyo aakhiraba lihina way ka buuxaan dadkaasi, waana in qofku jibaaxo dhoobo badan, shaqo adag, sabir iyo hurid u horseeda in uu helo dad kooban oo dahaba. Dhinaca kale taa macnaheedu maaha in ay jiraan dad dhoobo ahi, balse macaamilka dadka ayaa kala duwan iyo abuurida, qofkasta waxa Rabbi (swt) siiyay hibo gaara oo bulshada kaalin kaga jirta. Soo ifbixinteeda uun baa u baahan hibo gaara oo la dhaqan leh. Sidaa daraadeed marbay dhoobaduba ka wanaagsan tahay dahabka kana mudan tahay ee sirtu waa sida aad ula dhaqmayso dadka in aad fahamto qofkastaa kaashad baa daarta wanaagiisa, kicisana gobanimadiisa, haba dabeecad xumaadee haddana haddaad u fiirsato waxaad ogaan in uu kaaga wanaagsan yahay wax badan oo aanad gaadhi Karin. Sirtu waa sida dadka aad ula dhaqmayso tan oo ku xidhan fahamka dhaqankiisa gaarka ah. Nin aanu saaxiin nahay waxaan ka guntay dadka marka abuurkooda la falanqaynayo waa noocyo sida qof waji kakan haddana haddaan hoos ugu dhaadhaco gobonimo ka buuxdo, iyo mid waji furan kuna soo jiidanaya in aad fahantaana adag tahay. Hal-hays wuxuu ahaa buuga ha ku xukumin jaldigiisa. Dhinaca kale ee rasimiga ah sida xaddiiska Rasuulkeena (Naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee). Waxa uu inoo sheegay “dadku waa sida macdanta dahabka iyo fidada akhyaartoodii jaahilnimadii waa akhyaarta islaamnimada waa haddii ay fahmaan” dadkii gobta ahaa xiligii asnaamta waa gobta xiligan islaamnimada. Bukhaar. Arwaaxda. Hadal kale oo sidaa u dhaw “ walaalkaa u same todobaatan cudurdaar haddaad u waydo” waxaaba laga yaabaa in uu cudur daar leeyahay” taasi oo looga jeedo in bulshadu wadda noolaato kala fogaantuna meesha ugu baxdo iyo cuqdadu taasi oo aakhirka keenta gacan ka hadal iyo nacayb umaddu eedo haddaan la dhibir sanaan. Dhinaca kale xaddiiskaa hore ee dadku waa sida macdanta waxa la socday arwaaxuhu waa ciidamo hubaysan, haddii ay isdiido way isdiiday haddii ay is fahamtana way is fahamtay. Sidaa daraadeed arwaaxdu way dagaalantaa oo waxaad arkaysaa. Dad markaaba kala boodaya iyagoon hadal dhex marin kaliya eegmada ku kala di’day waxa is diiday arwaaxda oo faham dheer leh. Taasi macnaheedu maaha dagaal balse culimadu waxay ku sharaxeen in sida shibirkasta shibirkiisuu la duulaa. Waxa jira isa soo jiidasho iyo kala durug u dhaxeeya bulshada taasi oo ah dhinaca dookha oo nolosha macno u sameeyo wayo bulshadu saaxiib ma wadda noqon karto waa in qoloba dhan isku raacaan. Sida hadal yidhaa markii bulshada la abuuray “arwaaxdooda qayb kastaa gaarkeeda ayay isku raaceen.” Waxa suurto gal ah in qof ka yimid qaarad kale rafiiq dhaw noqotaan, mid qol kula dagana aad fahmi waydo ama walaalkaa. Haddalkaasi oo falsafad u eeg. Haddii Rabbi Subxaanah idmo Q/2aad. Qalinkii Axmed Cali Kaahin
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|