|
|||||
WAJAALE NEWS
Baanka Ganacsiga Ee Dalka Itoobiya Oo Sheegay Inuu Xarun Ka Furanayo Somaliland.
November 10, 2019 - Written by Editor:Hargeysa(W,N)-Baanka ganacsiga ee Ethiopia (Commercial bank of Ethiopia—CBE), ayaa sheegay inuu sannadkan laan ka furan doono dalka JSL. Mr. Bacha Gina, oo ah guddoomiyaha iyo agaasimaha baanka CBE oo magaalada Addis Ababa warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay inuu Baanku sannadkan xafiisyo ka furanyo dalalka Somaliland iyo Sucuudiga, “Waxaanu qorshaynaynaa inaanu sannadkan laamo cusub ka furano Somaliland iyo Sucuudiga.” Ayuu yidhi, isagoo intaas raaciyay, “Waxa kale oo aanu qorshaynaynaa inaanu lama ama saddexda sanadood ee soo socda laamo ka furano dibadda.” Madaxa Baanka ganacsiga ee Itoobiya ayaa waxa kale oo uu ka waramay horumarka uu Baankaasi ku tallaabsaday muddooyinkii u dambeeyay. WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE
Related posts:DAAWO; "Duruufaha Ayaa Isku Keenay Cirro Iyo Muuse Ee Laba Murrashax Oo Tartami Kara Maaha” Waraysi ... "Cabaashooyinka Ay Telesom Sheegtay Qaar Baan Goob Joog Ka Ahaa Markii Aan Wasiirka Ahaa Oo Jira”..S... Madaxwayne Biixi Oo Ka Hadlay Sobobta Ay Xukuumadiisu Ku Diidan Tahay Banaan Baxa Ay Dalbadeen Xisbi... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|