|
|||||
WAJAALE NEWS
Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay In Aanay Dalka Ka Saari Doonin Wakiilka Jabuuti!
October 5, 2019 - Written by Editor:Hargeysa (W,N)-Xukuumadda Somaliland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay in diblomaasiga ujooga Jabuuti Somaliland uu wax dacwad ah uga soo gudbiyay guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe. Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Prof.Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti ugu horeyna isagoo ka jawaabaya waxaa ka jira dacwadan waxa uu yidhi “Haba yaraate wax dacwad ah oo ka dhan ah Faysal iyo Wakiilka Jabuuti ee Somaliland oo Xukuumad ahaan na soo gaadhay ma jiraan, labada dhinac iyo dhinaca kaleba midna kama hayno wax dacwad ah”. Mar aanu wax ka weydiinay inay Xukuumad ahaan dalka ka saarayaan Wakiilka Jabuuti madaama loo soo jeediyey ayaa ku jawaabay “Faysal wuu hadlay wuxuu ku hadlayeyna waa la arkaayey, Wakiilku wax dambiya muu galin, sabab dalka aanu uga saarnaana ma jirto, kama saarayno, ee waxaa haboon in dacaayadaha la joojiyo, oo wixii khalad ah la joojiyo, umaddana yaan la khaldin, oo yaan wax kasta la buun-buunin”. Mar aanu wax ka weydiinay cadaawada la sheegay inay Jabuuti u qabto Somaliland waxa uu ku jawaabay wasiirka arimaha dibadu “Jabuuti waa dal aynu jaar nahay, waa dal aynu walaalo nahay, waa dal aynu isku diin nahay, waa dal aynu isku dhaqan iyo isku afba nahay, wax badan baa inaga dhexeeya, xidhiidh ganacsi, xidhiidh nabadgalyo iyo xidhiidh iskaashi baa inaga dhexeeya, xidhiidhkii wacnaa ee hore inooga dhexeeyayna xidhiidh ka sii wanagsan baa hadda inaga dhexeeya, markaas dalka Jabuuti maaha dal inoo cadaw ah”.
Related posts:Guddoomiyaha Xisbiga Waddani oo War Ka Soo Saarey Arimaha Doorashooyinka, Muxuuse Ka Yidhi Booqashad... DAAWO;-Dadwaynaha Xaafada 31may Ee Magaalada Hargaysa Oo Cabasho Xoogan Ka Muujiyay Shirkada Sompowe... Prof Samater Oo Lagu Soo Dhaweeyay Madaarka Caasimada Jsl, Muxuuse Ka Yidhi Xaalada Siyaasadeed Ee D... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|