“Tijaabadii Caalamku Waxay Noqotay In Suuqa Xorta Ahi Yahay Ka Dalka Horumariya,Kaasaanu Ku Taagan nahay Oo Aanu Ku Dhaqmaynaa”Madaxwayne Biixi. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Tijaabadii Caalamku Waxay Noqotay In Suuqa Xorta Ahi Yahay Ka Dalka Horumariya,Kaasaanu Ku Taagan nahay Oo Aanu Ku Dhaqmaynaa”Madaxwayne Biixi.
October 30, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hadal kooban ka jeediyey munaasibadda, ayaa shirkadda SOMPOWER ku bogaadiyey dedaalka ay samaysay iyo dhaqaalaha badan ee ay mashruucan hirgelintiisa u hurtay, waxana uu ku dhiirrigeliyey inay sii wadaan dedaalkooda.

Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey inay xukuumad ahaan xil iska saareen hirgelinta suuqa xorta ah (Free market), islamarkaana ay aaminsan yihiin inuu hannaankaasi yahay mid lagu horumarayo, “Xukuumad ahaan waxannu oggolnahay oo aannu ku dhaqmaynaa sida Dastuurkeennu dhigayo in dalka lagaga dhaqmo suuqa horta ah, dawladduna ay dadka u oggoshahay oo ay iyaga ku dhexdhexaadiso mooyaane farogelin mayso suuqa xorto ah, waayo tijaabadii caalamku waxay noqotay in suuqa xorta ahi yahay ka dalka horumariyo, kaasaannu ku taagannahay oo aannu ku dhaqmaynaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS