|
|||||
WAJAALE NEWS
Taliyaha Ciidamada Ilaalada Xeebaha iyo Maareeyaha Dekedaha oo Safar Badda Ah Ku Tagay Xeebaha Galbeedka Somaliland
October 12, 2019 - Written by Editor:Saylac (WJN) – Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Maareeyaha dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi iyo Taliyaha Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland Sareye Guuto Maxamed Xuseen Xiirane iyo saraakiil kale oo ka socota xukuumada Somaliland ayaa socdaa ku tagay Xeebaha galbeedka Somaliland, Kuwaas oo soo maray maray Xeebaha Bulla-Xaar, Ceel-Sheekh iyo Saylac. Waxaanay weftiga oo safarkoodu dhinaca xeebaha ahaa uu qaatay ilaa 12 saacadood, waxaana markii weftigu ugu dambayntii ay gaadheen magaalada qadiimiga ah ee Saylac loogu sameeyey soo dhaweyn balaadhan oo uu horkacayey badhasaabka gobolka Salal iyo Saraakiishii ciidamada ilaalada eek u sugnaa saldhiga magaalo xeebeeda Saylac.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/jUw1DQy3IDE Related posts:DAAWO: Khilaaf Ka Dhex Qarxay Wasaaradaha Xidhiidhka Golayaasha Iyo Wasaaradda Dib U Dajinta Somalil... DAAWO;-Mashaariic Tiro Badan Oo Dawlada Hoose Ee Gabiley Ka Hirgalisay Dhakhtarka Magaalada Gabiley ... Xukuumada Somaliland Oo War Cusub Kasoo Saartay Xaalada Magaalada Laascanood, Beenisayna In Ay Ka Ja... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|