|
|||||
WAJAALE NEWS
“Talaabo Kasta Oo La Qaadayey Intii Shirku Socday, Waxay Dib Iigu Celinaysay Halkaan Ka Imid”,Sahra-kiin Cabdiraxmaan.
October 14, 2019 - Written by Editor:Midkamid ah Dhalinyaradii Reer Somaliland Ee Ka Qaybgashay Shirkii Dayarta Qaarkada Africa Oo Faah Faahin Ka bixisay Nuxurka Uu Xanbaarsanaa Shirku!HARGAYSA(W,N)-Sahra-kiin Cabdiraxmaan oo kamid ahayd dhalinyaradii reer Somaliland ee ka qaybgashay shirka dhalinyarad qaarada Africa ee ka dhacay caasimada dalka Rwanda Ee Kigali ayaa ka hadashay muhiimada uu shirkani ulahaa dhalinyarada qaarada iyo faa,iidooyinka taariikhiga ah ee ku suntanaa. Shirkan oo ahaa mid ay siwayn uga dhex muuqdeen dhalinyaradii ka socotay Somaliland. Marwo Sahra-kiin ayaa qoraal ay kaga hadlayso muhiimada shirkaasi uu u lahaa dayarta qaarada Africa ku baahisay barta ay ku leedahay xidhiidhka dadwaynaha ee Facebookga Wuxuna Udhignaa Sidan; “Waxay ahaayeen Maalmo Mudan Iyo fursad Dahabi ah oo Bilaw iIaa dhammaad ku Suntanaa Casharro, Barasho Iyo ku Dayasho ka Sakow u Baahan In ficliyan Wax Badan Laga Qaato. Shirka isku xidhka Dhallinyarada Afrika Oo ujeeddadiisu ahayd sidii dhallinyarada qaaradu ay iskugu xidhmi lahayd aayahoogana uga tashan lahaayeen,hadday tahay hal-abuur ganacsi, horumarinta Dhaqan-dhaqaalaha, hoggaaminta, maamul wanaaga iyo ka faa’idaysiga tiknoolajiyada. Inka badan 10,000 oo dhallinyaro ah ayaa fursad u helay in ay madasha ka qaybgalaan oo ka kala yimid guud ahaan qaaradda Afrika kuna faaqidaan Araadooda kuna soo bandhigaan hal-abuurkooga oo ay ku mutaysteen abaalmarino dhallinyar la imid hal abuur kala duwan. Waxa Dhallinyarda waddamada kala duwan ah ku wehelinayey shirka wasiiradooda dhallinyarada oo ahaa dad aqoon iyo kartiba leh. Shirku in ka badan in laga hadlo caqabadaha haysta dhallinta qaaradda waxa uu diiradda saarayey sidii xal loo gaadhi lahaaa ee fursadaha jira looga faa’idaysan lahaa iyadoon dibadda laga doonayn cid kalena loo daba fadhiisnayn. Shirkan waxaan ka baran karnaa qaabka heerka sarreeya ee loo soo diyaariyey oo feker iyo Muhiimadba la siiyey waqtiguu mudnaana la galiyey, wasaaradda dhallinyarada ee Rwanda iyo doorka iyo mudnaanta ay siisay. Qaabka ay iskugu xidhan yihiin dhallinyarda Afrika iyo Guud ahaan qaabka iyo habka nidaamsan ee wax u dhacayeen sidii loogu talogalay. Tallaabo kasta oo la qaadayey intii shirku socday waxa ay dib iigu celinaysay halkaan ka imid, intii shirku socday ana shir baan iskula jiray in aan warcelin u helo waydiimaha badan iyo isbarbardhiga maankayga ka guuxaya. Waa waayo nololeed oo sii cariyey wixii maankayga ka guuxayey wax badanna ku xeeranyihiin waxa kaliya ee jiraaana ay tahay in rejo nooshahay kalideed una baahan tahay in laga gaadho inta aanay dhiman. Dunidu waa quruumo hore u socda iyo qaar aan socon laga yaaaba in ayna rabinba in ay socdaan. Kolay waxa inoo dhexeeyaa waa in waxa yar aan ku mashquulno inta wax weyn laga shaqaynayo. Mid aan ogahay ahaan Mayso sidaa. #YouthConnektAfrica #iTakeTheLead Kigali, Rwanda 2019. Sahra-kiin Cabdiraxmaan Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|