|
|||||
WAJAALE NEWS
Shirkii Golaha Wasiirada Somaliland oo War-bixino Lagaga Dhegaystay Wasiirrada Wasaaradaha Maaliyadda, Shaqo-gelinta iyo Isgaadhsiinta.
October 3, 2019 - Written by Editor:Hargeysa (WJN) – Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland ee Maanta ayaa War-bixino lagaga dhegaystay Wasiirrada Wasaaradaha Maaliyadda, Shaqo-gelinta iyo Isgaadhsiinta. Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed laga soo saaray kulankii Golaha Wasiirrada ee Khamiista, kaasi oo isagoo dhamaystiran u qornaa sidan “Kal-fadhigii 42-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta warbiximo lagaga dhegeystay wasiirrada wasaaradaha horumarinta Maaliyadda iyo shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska. Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, ayaa golaha warbixin ka siiyey diyaarinta miisaaniyad sannadeedka qaranka ee 2020-ka, taasoo ay diyaarinteeda ku hawlantahay wasaaradda horumarinta maaliyaddu, isagoo ku dheeraaday wasiirku miisaaniyadda iyo qaybeheeda, si waafi ahna u sharraxay ahmiyadda weyn ee ay qaranka u leedahay odoroska miisaaniyad sannadeedka 2020-ka oo siyaasaddeedu ku salaysnaan doonto mashaariic horumarineed oo waafaqsan qorshaha labaad ee horumarinta qaranka. Wasaaradda horumarinta maaliyaddu iyadoo ka duulaysa oddoroska miisaaniyad sannadeedka 2020-ka, waxay diiradda saaraysaa, soo ururinta dakhliga miisaaniyadda. Dhinaca kale, wasiirka wasaaradda shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska, ayaa golaha u qaybisay nuqullada siyaasadda qaran ee shaqo-carbinta oo ay soo diyaarisay wasaaraddaasi, iyadoo wasiirku sharraxaad ka siisay golaha muhiimadda siyaasadani u leedahay shaqo-carbinta iyo sida loogu dabbaqi doono. Ugu danbayn wasiirka wasaaradda boosaha Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda, ayaa golaha u soo bandhigay nidaamka hirgelinta E-Government Somaliland, kaasoo goluhuna u ballamay in loo qabto kal-fadhi aan caadi ahayn oo lagu gorfeeyo…”
ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Related posts:Bulshada-Reer-Somaliland-Oo-Dal-Iyo-Dibadba-Bogaadin-Iyo-Hambalyo-U-Diray-Xildhibaan-Tukaale-Oo-Ku-D... Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Oo Kulan La Qaatay Ardayda fasalada 4Aad Ee Dugsiga Sare ... Safiirka Somaliland Ufadhiya Dalka Ingiriiska Oo Kulan La Yeeshay Xildhibaan Gavin Williamson Iyo Ar... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|