Qaramada Midoobay Oo ka Hadashay Sicir-bararka Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaramada Midoobay Oo ka Hadashay Sicir-bararka Somaliland
October 24, 2019 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Qaramadda Midoobaay ayaa ka hadashay Sicir-bararka Somaliland, waxaana ay sheegtay inuu bishii September ee la soo dhaafay uu fadhiyey, inkastoo uu kor u kacay boqolkiiba 12,  marka la eego celcelis ahaan halkii uu joogay sicir-bararku shantii sannadood ee la soo dhaafay.

Hay’adda Cuntada iyo Beeraha u qaabilsan Qarammada Midoobay (FAO) ayaa warbixin ay soo saartay Arbacadii ku sheegtay in isku beddelka sarifka  lacagaha shilinka Somaliland iyo Doolarka Maraykanku ay qiimihiisu deganaa suuqyada Jamhuuriyadda Somaliland bishii September ee la soo dhaafay oo uu hoos u dhacay Boqolkiiba  8-32%.

Hay’adda FAO  waxay intaas ku dartay in qiimaha baddeecadaha waddaniga ah sida Galeyda cad, Masagada cas iyo Hadhuudhka cad uu  qiimahoodu  xasiloonaa bishii Septemeber ee sannadkan.

 

COMMENTS
LINKS