|
|||||
WAJAALE NEWS
Maxaa Sababay Is-casilaaddii Ay Marwo Faadumo Siciid Iska Casishay XisbigaWADDANI?
October 15, 2019 - Written by Editor:Hargeysa(W,N)Marwo Faadumo Siciid Ibraahim oo ahayd Xoghayihii Arrimaha debada ee Xisbiga WADDANI , ayaa shaaca ka qaaday 14ka Bisha October 2019ka inay gebi ahaanba iska casishay xilkii iyo xubinimaddii xisbiga WADDANI ay ka haysay, ka dib markii uu xisbigu ka gaabiyey kalintii mucaaradnimo ee dalka iyo khilaaf soo kale dhex-galay iyadda iyo masuuliyiinta xisbiga qaarkood. Faadumo Siciid ayaa horre usoo noqotay la taliyaha gaarka ah ee Guddoomiye Cirro ,iyadoo uu Guddoomiye Jirde sanadkii 2018-kii u magacaabay xilka xoghayaha Arrimaha debada ee Xisbiga ,kaasi oo ay iska casishay, isla markaana ay ka baxday guud ahaanba xisbiga WADDANI 14-kii October 2019-ka “ Xisbigii geedi socodkii aanu ka sugaynay himiladdii aanu ka doonaynay maan ku arkin waanu ka gaabiyey, Xisbigii WADDANI waan isku garan waayey siyaasadda siddii aanu doonaynay iyo geedi socodkii aanu ka rabnay waan ka arki waayey, Markaa waxaan go’aansaday in aan xilkii aan hayey ee aanu u hayey WADDANI in aan iska casilo oo guud ahaan-ba aan iska casilo Xisbiga WADDANI.”Ayeyey tidhi Faadumo Siciid Ibaarim Maxaa Sababay Is-casilaadda Marwo Faadumo Siciid ? Faadumo Siciid Ibraahin ayaa isku casishay khilaaf riiq dheeraad oo soo kale dhex-galay iyadda iyo masuuliyiin kele oo uu horkacayo Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI, kaasi oo uu xisbiga WADDANI ku fashilmay inuu xaliyo “ Waxa weeye laba qof oo meel wada jooga khasbiyan marka ay shaqo socoto dee waa la isku khilaafayaa ” Ayey tidhi Xubno ka tirsan WADDANI oo magac-yadooda ka gaabsaday in la xuso ayaa sheegay in Marwo faadumo Siciid iyo Xoghayaha guud ee WADDANI uu jiray khilaaf cakiran oo u dhexeeyey, kaasi oo sabay inay gebi ahaanba iska casisho Faadumo Siciid xisbiga WADDANI, waxaanay sheegeen inay Faadumo Siciid kamid ahayd xubnihii gollaha dhexe ee WADDANI, kuwaas oo diiday inay u codeeyaan Khadar Cabdi Xuseen inuu noqdo xoghayaha guud ee WADDANI. Xisbiga WADDANI Iyo Tageerayaashiisu Siday U Arkeen Is-casilaada Faadumo Siciid ? Masuuliyiinta xisbiga WADDANI ayaa qaarkood qoraalo ay kaga haddlayaan is-casilaadii ay Faadumo Siciid ay iska casishay xisbigaas waxay muujiyeen inay ka xun yihiin, iyagoo sheegay inay qiimo weyn ku lahayd xisbiga dhexdiisa “Waaxa aan si milgo iyo maamuus leh u sii sagootinayaa Marwo Faadumo Siciid Ibraahin oo ahayd Xoghayihii hore ee Arrimaha dibadda ee Xisbiga WADDANI oo aan muddaddii ugu dambeysay ee ay xilkaa haysay aan si dhow u wada shaqeynay, runtiina xisbi ahaan naga mudan ixtiraam iyo qaddarin go’aanka shakhsiga ah ee qofnimo in aan dhammaanteen ku wada ixtiraamno, noloshuna waaba geeddi iyo geeri u joog “ Ayuu yidhi Xoghayaha gaarka ah ee Guddoomiyuhu Cabdiqaadir Iidle oo qaraalkan ku faafiyey degalka uu facbuuga ku leeyahay, Xubno kale oo ay ka tirsan xisbiga WADDANI ayaa iyana sifiican uga haddlay , is casilaadii Marwo Faadumo Siciid, waxaanay muujiyeen inay ka xun yihiin xubintaas inay iska casisho WADDANI, iyagoo tilmaamay inay qiimo badan ku lahayd xisbiga dhex-diisa Qaar kamid ah taageerayaasha WADDANI ayaa iyana ka xumaaday is casilaadii Marwo Faadumo Siciid sidda ay ku baahiyeen baraha bulshada , halka qaar kamid ah taageerayaashu xisbiga WADDANI ay kula kaceen aflagadoodo qaawan iyagoo ku tilmaamay inay adeegto u ahayd xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE Bulshadda reer Somaliland Siday u Arkeen ? Marfash-yadda lagu kulmo iyo goobaha fadhi ku dagaalanka siyaasadda iyo weliba baraha bulshada ay ku kullanto ayaa ahaa kuwo arrinta aad loogu haddal hayey,isla markaana ay badi bulshadu isla waafaqsanayd inuu xisbiga WADDANI lumiyey xubin aad u mihiim ahayd oo aan loo baahnay inuu iska lumiyo, taasi oo ay ku timaameen inay ahayd haweenaydii laf –dhabarta u ahayd haweenka ku jira xisbiga WADDANI Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|