Maxaa Faa’Iido Ugu Jirta Qaranka Nidaamka E-Government Ee Ay Soo Bandhigtay Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyada Jsl? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaa Faa’Iido Ugu Jirta Qaranka Nidaamka E-Government Ee Ay Soo Bandhigtay Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyada Jsl?
October 13, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA (W,N):-Dadka Aqoonta dheer u leh Arrimaha ICT-ga Ama Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada ayaa si qotodheer u falanqeeyey barnaamijkan cusub ee ay soo bandhigtay wasaaradda Horumarinta isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland, kaas oo ay ku macneeyeen talaabo dhanka horumarka loo qaaday oo qaranka iyo haayadaha dawladaba u sahlaya in si fudud oo horumarsan islamarkaana deg deg ah loogu adeego bulshada, shaqadii qarankuna noqonto mid si hufan oo aan mad madow lahayn u hirgasha.

E-Government Muxuu Yahay?

Qeexid ahaan, E-Goverenment waa in si fudud loo Adeegsado ICT si loo wanaajiyo geedi socadka dawladda, iyo Adeegyada Muwaaddinku Inuu si dhib yar u helikaro.

E-government waxaa lagu qeexaa isbadalka hanaanka, geedi socodka oo loo adeegsado Tikniyoolajiyada casriga ah Oo sii horumarsan. Waxay keenaysaa in Maamulka dowladeed si dhib yar u Wadda xidhiidho ama hey’adaha dowliga ah midba midka kale si dhow ugu xidhnaan karo hawlaha shaqo iyo in shirkadaha ay macaamilka la leeyihiin si fudud wax isku waydaarsan karaan.

-Sida loo Abaabulo Loona Maareeyo Adeegyadda Bulshada.

-Sida Dawladdu ay u qaabeyso barnaamijyadada siyaasadeed oo lagu kalsoonnahay.

-Xidhiidhka Sida gobollada, Magaalooyinka, Iyo Degmooyinku Ay u La Shaqeeyaan Dawladda Si ay u Higsadaan himiladooda una qorsheeyaan mustaqbalkooda.
Maxaa Faa’iido Ugu Jirta Qaranka Somaliland?

Faa’iidada ugu jirta Xukuumada Somaliland adeegsiga barnaamijkan cusub ee lagu magacaabo E-government ayaa noqonaysa in hab sahlan oo casriya ay u wada shaqeeyaan laamaha kala duwan ee hay’adaha iyo wasaaraddaha dalku.

Kaas oo ku shaqeynaya hab online ah oo si fudud u suurto galinaya in shaqada iyo xogta dawlada ay si dhib yar u wadaagi karaan masuuliyiinta iyo waaxyaha shaqada qaranka hayaa, waxaanu nidaamkani suurto galinayaa in xogta shaqada bulshada loo hayaa Noqonto mid dhawran oo si sahlan bulshada loogu adeegi karo, waxaan iyana ka maqnayn nidaamka xisaabaadka iyo la socoshada shaqada hay’adaha dawlada.

Currinta iyo hirgalinta barnaamijkan iyo kuwo kale ayaa noqonaya dadaalka dhinaca Isagaadhsiinta Ee Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyadu ku talaabsatay iyadoo ay hagayso aqoon iyo khibrad kalsooni weyn lagu qabi karo, wakhtigan oo dunida inteeda badani ay si xawliya marba marka ka danbeysa uga sii horumarayso dhinaca Tiknoolajiyada.

Horumarkan laga sameynayo dhinaca Ict-ga oo marba heer ay soo gaadhsiinayeen

Wasiiraddii kala duwanaa ee xilalka kasoo qabtay wasaarada isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyada Somaliland, ayaa wakhtigan masuulka majaraha u haya wasaarada lagu sifeeyey inuu yahay shaqsi uu madaxweyne biixi asiibay inuu wasaarada u magacabo qof Aqoontii iyo khirabaddii looga baahnaa dhinaca tiknoolajiyada leh, lana jaanqaadi kara Isbedelada dhinaca Ictga ama tiknoolajiyada casriga ah ee dunidu hadda ku horumartay.

Dr Cabdiwali Sheekh Suufi C.laahi oo ah Khabiir culuumta Ict-ga Tiknoolajiyada ka haysta shahaadada PHD ayaa la xusi karaa barnaamijyada wax ku oolka ah ee uu mudadii uu joogay qorsheeyey una soo bandhigay laamaha kala duwan ee dawlada iyo shirkadaha isgaadhsiinta Dalka.

Barnaamijyada Ay wasaaraddu ku talaabsatay mudadii ay jirtay xukuumada Madaxweyne Biixi Ayaa lagu tilmaami karaa In Hirgalinayso Qorshihii ay wasaaraddu hore ugu soo Gudbisay Golaha Sharci Dajinta Qaranka ee ahaa la socodka Isticmaalka khadka isgaadhsiinta dalka dhinaca telefoonka iyo xaddiga ku waajibinaya cashuurta dawlada,  Adeega boosaha caalamiga oo markii ugu horeysay Somaliland ka hirgalay.

Sidoo kale waxaa ay diyaarisay wasaarada isgaadhsiintu Barnaamijka hagayaasha iyo Habraacyada goobaha isgaadhsiinta dalka jsl. Iyo sidoo kale barnaamijkan shalay  la Horgeeyey golaha wasiirada Somaliland ee lagu magacaabo E-government, wallow aaney ku koobnayn waxqabadka wasaaradu ee wakhtigan ay shaqeynaysay xukuumada madaxweyne biixi, balse  qaar kamid ah uun aynu ka tilmaanay

Sidoo kale iyana waxa jiray in markii ugu horeysay Somaliland lagu Qabtay Shirkii ugu weynaa ee lagaga Arrinsanayey isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyada Jsl  kaasi oo Ay  qabatay Wasaarada Isgaadhsiintu markii ugu horeysay “SLICTC2019 Somaliland ICT Conference”

Dhanka kale waxaa iyadana Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL, Mudane Dr. Cabdiweli Sh. Cabdillaahi Suufi uu wareegto ka soo saaray Dhismaha Taawarrada iyo Goobbaha Isgaadhsiinta ee Cusub.

Si Kastaba ha ahaatee Qorshayaasha  ay wasaarada isgaadhsiintu waddo ee Barnaamijka E-government ayaa noqonaysa mid kor u qaada Nidaamkii hore ee ay ku shaqeyn jireen haayadaha  dawlada iyo shaqadii loo qaban jiray bulshada oo wakhti badan kagaga lumi jiray, taas oo lagaga fursanayo in muwaadin kastaa si fudud u heli karo wixii adeeg ah ee kagaga xidhma haayadaha dawlada, wasaaradaha iyo laamaha dawladuna si dhib yar u wada shaqeyn karaan.

Halkan Ka Dhegayso Wasiirka Wasaarada Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyada jsl Oo Ka Warmaya Barnaamijkan E-Government. Iyo Faa,iidooyinku uu qaranka uleeyahay;

https://youtu.be/BVLsdD_SyUI

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS