|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Biixi Iyo Guddoomiye Cirro Oo Aan Weli Soo Xulin Xubnaha Guddiga Cusub Ee Doorashooyinka Qaranka!
October 8, 2019 - Written by Editor:Hargeysa(W,N)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaan weli soo xulin xubnihii guddiga cusub ee doorashooyinka. Guddoomiyaha golaha guurtida Md. Saleban Maxamuud Aadan ayaa Madaxweynaha u gudbiyay labada xubnood ee uu u xulay inay ka mid noqdaan guddiga cusub ee doorashooyinka, labadaas xubnood ayaa kala ah Maxamuud Daahir Jaamac (Dhoodi) iyo Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil (Dixood). Sidoo kale guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe ayaa Madaxweynaha u gudbiyay xubinta uu u soo xulay guddiga cusub ee doorashada oo ah Xasan Yuusuf Ducaale. Hase yeeshee Madaxweyne Biixi oo uu sharcigu awood u siiyay inuu soo xulo saddex xubnood oo ka mid ah 7-da xubnood ee guddiga doorashada, ayaan weli soo xulin xubnihii uu ugu tallo galay inay ka mid noqdaan guddiga cusub ee doorashada. Guddoomiyaha xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaan isna weli gudbin xubinta uu ugu talo galay guddiga cusub ee doorashada. Sida ay warar xogogaal ahi sheegeen, waxa la filayaa in maalmaha soo socda ay Madaxweynaha iyo Cirro soo dhammaystiraan xubnaha laga sugayo, ka dibna uu Madaxweyne Biixi u gudbin doono golaha wakiilada toddobada xubnood ee uu u ansixiyo inay noqdaan guddiga doorashooyinka qaranka.
Related posts:40 Qof Oo Ku Geeriyooday Weerar Ay Kooxaha Shiicadu Ku Qaadeen Masjid Ay Ku Cibaadaystaan Bulshada S... DAAWO; Xukuumadda Somaliland Oo Amaro Culus Ka Soo Saartay Beelihii Colaadu Ku Dhex Martay Ceel Afwe... ๐๐ฎ๐ฏ๐ฑ๐ถ ๐ฌ๐ฎ๐ฟ๐ฒ A๐ฑ๐ฑ๐ผ๐ผ๐ป ๐๐น๐น๐ฒ O๐ผ S๐ฎ๐บ๐ถ๐ฟ, D๐๐น๐พ๐ฎ๐ฎ๐ฑ, A๐พ๐ผ๐ผ๐ป I๐๐ผ A๐ณ-๐ด๐ฎ๐ฎ๐ฏ๐ป๐ถ ๐ธ๐ S๐๐ป๐๐ฎ๐ป๐ฎ๐ฎ! COMMENTS
|
LINKS
|
||||
๏ปฟ |