|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jsl Oo Qaabilay Wefti Uu Hoggaaminayo Safiirka Midawga Yurub Iyo Arimaha Ay ka Wada Hadleen!
October 20, 2019 - Written by Editor:WAR-SAXAAFADEED Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabilay Wefti uu hoggaaminayo Safiirka Midawga Yurub U Qaabilsan Dalalka Somaliland Iyo Soomaaliya. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta oo ay taariikhdu ahayd 20-10-2019 xafiiskiisa ku qaabilay safiirrrada midawga Yurub iyo Sweden u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Nicolás Berlanga Martinez iyo Amb. staffan Tillander. Kulanka uu madaxweynuhu la qaatay safiirrada, ayaa lagaga wada hadlay adkaynta iyo dardar-gelinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee midawga Yurub iyo dalka Sweden ay la leeyihiin Jamhuuriyadda Somaliland iyo sidii kor loogu qaadi la isagana kaashan lahaa arrimaha mandaqadda Geeska Afrika. Ugu danbayna waxa kulankaasi lagaga wada hadlay diyaar garowga qabsoomidda doorashooyinka foodda innagu soo haya ee golayaasha wakiillada iyo deegaanka oo ay beesha caalamku danaynayaan inay doorkooda ka qaataan, maadaama ay Somaliland ka taageeraan hannaanka dimuquraaddiyadda iyo doorashooyinka, waxaanay guud ahaan weftigani sheegeen inay diyaar u yihiin Somaliland taageeradeeda. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|