|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jsl Oo Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ka Tacsiyadeeyey Geerida Ku Timid Maamulihii Dekadaha!
October 7, 2019 - Written by Editor:TACSI MADAXWEYNE INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Somaliland Oo Dhambaal Tacsi Ah U Diray Shacbiga Jabuuti Iyo Madaxweyne Geele Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Jabuuti, ee uu ka baxay alle ha u naxariistee Marxuum Sacad Cumar Geelle oo ahaa maamulaha dekeda Jabuuti kuna geeriyooday maanta dalka Faransiiska. Waxaanu Madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo marxuumku ahaa walaalkii. Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo qoyska, qaraabada, ehelada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Jabuuti, ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.” Aamiin Aamiin Aamiin Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Related posts:Daawo: "Kursiga Golaha Wakiiladu Hadii Uu Dayn Ku Yahay Reer Awdal Waa Naga Celis”..Siyaasi Maxamed ... DAAWO;-Wasiiro Xukuumada Katirsan Oo Gaadhay Magaalo Ganacsiyeedka Wajaale Iyo Mashaariic Ay Ka Dhag... Agaasimaha Madaxtooyada JSL Oo Kormeeray Dayac-tirka lagu Waddo Gurigii Lagaga Dhawaaqay Somaliland COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|