|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Marxuum Kornayl Cabdilaahi Cige (Obsi) Oo Ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa!
October 17, 2019 - Written by Editor:TACSI MADAXWEYNE: 17/10/2019 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Kornayl Cabdilaahi Cige Muuse (Obsi) oo ku geeriyooday caawa oo ay taariikhdu tahay 17/10/2019, magaalada Hargeysa. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey halgamaa dalka iyo dadkaba taariikh ku lahaa laguna xasuusan doono kaalintii uu ku lahaa xornimada Somaliland, dib u dhiskii iyo nabadayntii shacbiga Somaliland, isagoo xukuumaddii Marxuum Cigaal soo qabtay xilka wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha, waxaanu ka tirsanaa ciidamadii cirka ee dawladdii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya isagoo iskaga tegay kuna biiray ururkii SNM oo uu ka mid noqday mujaahidiintii salka u dhigay, kana midha dhaliyey ujeedadii loo aas-aasay. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.
Related posts:"Abaalmarinta Waxaa la Igu Siiyey Shaqadii Is-xilqaanka Ahayd Ee Aan Isku xilqaamay, Si Aan Hooyooyi... Murashaxa xisbiga kulmiye oo Dib u Istaadhay khilaafkii iyo Burburintii uu ku Hayay Saldanada Beesha... DAAWO; Maayarka Caasimada Jsl Oo Ka Warbixiyay Shir Caalami Ah Oo Uu Kaga Gaybgalay Magaalada Nayroo... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|