Madax-dhaqameedka & Waxgaradka G, Gabiley Oo Madaxwaynaha Jabuuti, Ka Tacsiyadeeyay Geerida Ku Timid Walalkii Marxuuum Sacad Cumar Geele, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madax-dhaqameedka & Waxgaradka G, Gabiley Oo Madaxwaynaha Jabuuti, Ka Tacsiyadeeyay Geerida Ku Timid Walalkii Marxuuum Sacad Cumar Geele,
October 8, 2019 - Written by Editor:

INAA LILAAHI WA,INAA ILAYHI RAAJUCUUN!!

GABILEY(W,N) Madax-dhaqameedka,Waxgaradka Iyo Siyaasiyiinta Gobolka Gabiley Ayaa dhambaal tacsi Ah udiray shacabka jamhuuriyada  jabuuti, Madaxwayne Ismaaciil cumar geele iyo Qoyska uu ka baxay Marxuum Sacad Cumar Geele oo maalintii shalay ahayd ku geeriyooday dalka Faransiiska, kana mid ahaa Masuuliyiinta Qaranka,

Boqor Muxumed Geele Seed oo kamid ah Madax-dhaqameedka Somaliland gaar ahaan gobolka gabiley oo ku hadlaya afka shacab gobolka gabiley, ,madax-dhaqameedka Somaliland iyo waxgaradka hoosta ku qoran yihiin magacyadoodu  ayaa ugu horay tacsi udiray shacabka reer jabuuti, madaxwaynaha iyo qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuumku!

“Aniga oo ku hadlaya afka madax-dhaqameedka somaliland ka shacabka reer gabiley waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa madaxwaynaha dalka jabuuti ismaaciil cumar geele oo walaalkii marxuum sacad Cuma Geele ku geeriyooday dalka faransiiska iyo Xaaskii Uu ka Tagay MARXUUMKU Siraad Ibraahim Bookh Waxaan leeyahay ilaahay Samir iiimaan saadiqa haydinka siiyo Marxuumka Ilaahay Qabriga Ha Unuuro,

Dhanka kale Madaxdhaqameedkan iyo waxgaradka gobolka gabiley Ayaa Waxay iyaguna  si gaara Geeridan Marxuum Sacad Cumar Geele uga tacsiyadaynayaan Madaxwayne ismaaciil cumar geele oo uu ahaa walaalkii iyo Qoyska uu ka baxay gaar ahaan Xaaskii Marxuumka Siraad Ibraahim Bookh.

MAGACYADA MADAXDHAQAMEEDKA IYO ODYAASHA TACSIDA DIRAYA.

Boqor Muxumed Geele Seed.

Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan

Chief Caaqil Dayib Cabdi Ciidle

Odoy Xaashi Cismaan Dholaal

Oday Muuse Xaaji Muxumed Guuleed(muuse inji)

Ex Wasiir Dr Muuse Qaasim Aw Cumar

Ex wasiir Shucayb Maxamed muuse

Gen Maxamed Xasan Cabdilaahi Jidhif

Saleebaan Sheekh Maxamed Saleebaan (Madaxay)

Caaqil Cabdi Cumar

Caaqil Cabdilaahi Qalinle Fariid.

Axmed Cabdi Muuse (Axmed Ini)

Axmed Xaaji Barkhad

Cawke Jaamac Gadiid

Cabdiraxmaan Aadan Jaamac.

Axmed Muxumed Cumar.

Axmed Cismaan Almis

Mustafe Aadan Tahar.

Yuusuf Jamaac Xirsi

Xasan Xuseen Kibaar.

Waxaanu leenahay ilaahay samir iy Iimaan ha,idinka siiyo MARXUUMKANA Janatul Fardowsa Ilaahay Ha Geeyo Aamin Aamin

 

COMMENTS
LINKS