Laba Ka Mid Ah Agaasimeyaal Ka Tirsan Wasaaraddaha Somaliland Oo U Baxsaday Dalka Jarmalka! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Laba Ka Mid Ah Agaasimeyaal Ka Tirsan Wasaaraddaha Somaliland Oo U Baxsaday Dalka Jarmalka!
October 4, 2019 - Written by Editor:

Gudoomiyaha Jaaliyada Jsl Ee Dalka Jarmalka Oo Xaqiijiyay  Jiritaanka Laba Agaasime Oo Wafti Xukuumada Ka Socday  kaga Baxsaday Jarmalka!

HARGAYSA(W,N) Wafti ka socday xukuumada Somaliland ayaa dhawaan safar shaqo ku tagay dalka jarmalka kaasi oo soo laabashadoodii ay dalka jarmalka ku baxasadeen labo Agaasime waaxeedyo ka tirsan wasaaradaha Somaliland oo waftiga kamid ahaa!

Gudoomiyaha jaaliyada Somaliland ee dalka jarmalka ayaa xaqiijiyay baxashada laba agaasime oo iska dhiibay dalka jarmalka halka midka mid ahina uu usii baxsaday dalalka kale ee yurub oo uu sii gudbay.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS