Jubbaland Oo Soo Iibsatay Diyaarad Lagu Soo Qaadayo Wafuud Ka Qeybgalaya Munaasabada Caleemo Saarka Madaxwaynaha! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jubbaland Oo Soo Iibsatay Diyaarad Lagu Soo Qaadayo Wafuud Ka Qeybgalaya Munaasabada Caleemo Saarka Madaxwaynaha!
October 5, 2019 - Written by Editor:

KISMAAYO (W,N)- Maamul gobolleedka Jubbaland ayaa sheegay in ay soo iibsadeen diyaar gaar ah oo loogu talagalay in ay soo qaado wafuud kala duwan ee ka qeybgalaya munaasabada caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Diyaaradan ayaa maanta ka degtay Garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo iyadoo sida wafuud ay ka mid ahaayeen madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan iyo Cabdikariin Xusseen Guulleed oo horay xilal kala duwan uga soo qabtay dowladda Soomaaliya iyo Galmudug.

Waftiga oo sidoo kale ay ka mid ahaayeen xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka yimid magalada Nairobi ee dalka Kenya.

Waxaa ay hordhac u noqonayaa wafuud u badan siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah dowladdda oo lagu wado in maalmaha soo socda ay gaaraan magaalada Kismaayo.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in ay qaaday magaalada Kismaayo xayiraad in muddo ahba saarneyd, waxaana ay xayiraadaa  oo ku keentay dowladda culeys siyaasadeed oo uga imanaya Xisbiyada iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE.

COMMENTS
LINKS