“Hargeysa 2005-Kii, Xaafadii 3 Habeen Heli Jirtay Biyaha Qasabadu, Imika Hal Habeen Bay Heshaa, Cid Aan Heli Jirin Oo La Gaadhsiiyana…..”Abwaan Weedhsame. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Hargeysa 2005-Kii, Xaafadii 3 Habeen Heli Jirtay Biyaha Qasabadu, Imika Hal Habeen Bay Heshaa, Cid Aan Heli Jirin Oo La Gaadhsiiyana…..”Abwaan Weedhsame.
October 22, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)- Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil Weedhsame oo kamid hal abuurka dhalinyarada reer Somaliland marar kala duwan xaalada Somaliland iyo hogaaminta madaxdii soo martay ku cabiray suugaan iyo qoraalaba ayaa isbarbar dhig ku sameeyay horumar la,aanta ka jirta Adeegyada aas aasiga ah sida Biyaha, wadooyinka Iyo caafimaadka ee bulshada reer Somaliland sida wayn ugu ubaahan tahay in ay hesho.

Sidoo kale abwaan weedhsame ayaa xusay in wali dhakhtarka hargaysa yahay kii gumaystaha ingiriisku hirgaliyay iyadoo shacabka caasimada ku dhaqani si wayn u kordhay balse aanay waxba iska badalin dhismihii uu ahaa

Dhanka kale Abwaan weedhsame ayaa Xusay in aan wax horumar ah laga samayn in 18sano kahor wixii jidadka casimadu ay lahayd aanay maanta lahayn wax lasoo kordhiyo hadalkeedaba daayoo!

Abwaan Weedhsame ayaa qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada arimaha aynu kor kusoo xusay ku sameeyay isbarbar dhig

Halka uu abwaan weedhsame bulshada la wadaagay hal ku dhigii  ololaha ee wakhtigii madaxwayne biixi ee Horaa Loo Soconayaa/

Qoraalka Abwaan Weedhsame ayaa Wuxu Udhignaa Sidan;

1-Hargeysa 2001-dii nalalka baabuurta kala

Haga ayey lahayd, 2019-kiina ma laha.

2- Hargeysa, Gumaystihii Ingiriisku dhakhtarkii Uu Dhisay Ayuun Baa ilaa maanta taagan. Inkastoo tirada dadka ku nooli aad u korodhay tirada xarumaha dhakhtarada dawladdu leedahay may kordhin ee waa halkii dhakhtar iyo dad sii badanaya.

3-Hargeysa 2005-tii, Xaafadii 3 habeen heli jirtay biyaha qasabadu, imika hal habeen bay heshaa, ku kale oo aan heli jirin oo la gaadhsiiyana hadalkiisaba daa.

Bal Haddaba ka waran dadka tuulooyinka ku nool ama meelaha miyiga ah?

Adigoo intaasba Arkaya Marka Lagu Yidhaa “HORAA LOO SOCDAA” Miyaan Caqligaaga La Caayeyn?

ABWAAN XASAN DAAHIR WEEDHSAME.

 

COMMENTS
LINKS