FALANQAYN: Muranka Dhulka Oo Mudooyinkii U Danbeeyay Kusoo Badanaya Magaalada Hargaysa Iyo Doorka Madaxtooyada Jsl! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
FALANQAYN: Muranka Dhulka Oo Mudooyinkii U Danbeeyay Kusoo Badanaya Magaalada Hargaysa Iyo Doorka Madaxtooyada Jsl!
October 31, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Tan Iyo Intii talada dalka loo doortay Xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi Ayaa caasimada Hargaysa kusoo Batay Muranka Dhulka oo inta badan Udhexeeyay xukuumada Madaxwayne Biixi Iyo dad shacab ah,

Sidoo kale muranka dhulka ayaa wuxuu badi ku yaala galbeedka magaalada taasi oo iyana abuurtay dareeno kale, isagoo udhexeeyay  qoyska  madaxwayne biixi iyo dad shacabka taasi oo wakhtigan gaadhay meel hadalhayntiisu saamaysay gabi ahaanba shacabka reer Somaliland iyadoo warbaahinta aad ku arkayso dad shacabka oo ka cabanaya dhul ay degenaayeen oo ay isku haystaan qoyska madaxwaynaha,

Halka meelaha qaar uu madaxwaynuhu dhulkoodii xoog kaga qaaday muwaadiinin reer Somaliland ah iyadoo aanay jirin wax cad oo dhulka madaxwaynuhu xoogan ciidan ku dayrtay Baahi qaranka loogu qabtay amaba laga hirgaliyay taasi oo qayb ka noqotay waxyaabaha shacabka Somaliland ku abuuray war warka dhicana cadaalada iyo ku tagri falka awoodii dawladu.

Hadaba Maxaa sobob u ah in uu kor u kaco muranka dhulka ee udhexeeyay shacabka iyo madaxwaynaha? Maxaase laga dheehan karaa ficilada kasoo fulaya halki dalka ugu saraysay?

HALKAN KAGA BOGO FALAQAYNTA AMUURAHAN OO FAAH FAAHSAN;

 

COMMENTS
LINKS