|
|||||
WAJAALE NEWS
Dawlada Ingiriiska Oo Bilowday Dhex Dhexaadinta Muranka Bada Ee Somaaliya Iyo Kenya.
October 2, 2019 - Written by Editor:NARIOBI(W,N)-Boqortooyada Ingiriiska ayaa sheegtay inay dhexdhexaadin Doonta khilaafka dhinaca bada ee udhexeeya Kenya iyo Soomaaliya oowakhtiga maraya meel xasaasiya. Safiirka Britain Ufadhiya dalka Kenya, Jane Marriot Ayaa sheegtay inay jeclaan lahayd inay aragto Kenya iyo Soomaaliya oo muranka xudduudda badda si nabadgelyo leh ku xalliya. Marriott ayaa sheegay in wadahadalku wali yahay furaha xallinta khilaafaadka badda ee u dhexeeya labada waddan. Iyadoo arrimahaasi kala hadashay Madaxweyne ku-xigeenka Kenya oo ay gurigiisa ku booqatay maalintii salaasadii ee indha dhaaftay. Dhanka kale safiirka dalka ingiriiska ayaa la filayaa in booqato magaalada muqdishi si ay madaxda somaliya ugala hadasho arimahan. Dhexdhaxaadinta dawlada ingiriiska ee muranka Kenya iyo somaliya ayaa ku soo beegmaysa xili labada madaxwaye kulankii qaramada midoobay midwaliba ka sheegay mawqifka dalkiisu doonayo in lagu dhameeyo muranka badda ee u dhexeeya WAJAALENEWS DESK HARGAYSA OFFICE EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:Xildhibaano Katirsan Golaha Guurtida Oo Dalada Sonsaf Ku Eedeeyay In Ay Ku Kacday Qaran Dumis, Haaya... Degdeg Doorashadii Murashaxnimo Madaxwayne iyo kuxigeen ee xisbiga Kulmiye oo la soo gaba gabeeyey ... Madaxweynaha Somaliland oo Ardayda Dugsiyada Dhexe U Qaybiyey In Ka Badan Hal Milyan oo Buug oo Bila... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|