Dawlada Ingiriiska Oo Bilowday Dhex Dhexaadinta Muranka Bada Ee Somaaliya Iyo Kenya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Ingiriiska Oo Bilowday Dhex Dhexaadinta Muranka Bada Ee Somaaliya Iyo Kenya.
October 2, 2019 - Written by Editor:

NARIOBI(W,N)-Boqortooyada Ingiriiska ayaa sheegtay inay dhexdhexaadin Doonta khilaafka dhinaca bada ee udhexeeya  Kenya iyo Soomaaliya oowakhtiga maraya meel xasaasiya.

Safiirka Britain Ufadhiya dalka Kenya, Jane Marriot  Ayaa  sheegtay inay jeclaan lahayd inay aragto Kenya iyo Soomaaliya oo muranka xudduudda badda si nabadgelyo leh ku xalliya.

Marriott ayaa  sheegay in wadahadalku wali yahay furaha xallinta khilaafaadka badda ee u dhexeeya labada waddan. Iyadoo arrimahaasi kala hadashay Madaxweyne ku-xigeenka Kenya oo ay gurigiisa ku booqatay maalintii salaasadii ee indha dhaaftay.

Dhanka kale safiirka dalka ingiriiska ayaa la filayaa in booqato magaalada muqdishi si ay madaxda somaliya ugala hadasho arimahan.

Dhexdhaxaadinta dawlada ingiriiska ee muranka Kenya iyo somaliya ayaa ku soo beegmaysa xili labada madaxwaye kulankii qaramada midoobay midwaliba ka sheegay mawqifka dalkiisu doonayo in  lagu dhameeyo muranka badda ee u dhexeeya

WAJAALENEWS DESK

HARGAYSA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS