|
|||||
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Muuqaalka Ciidanka Taraafikada Oo Fal Foolxun Kula Kacay Abwaan Weedhsame Iyo Sidii Wax Udhaceen!
October 28, 2019 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil(Weedhsame) oo kamid ah Hormuudka hal Abuurka Dadayarta ee reer somaliland ayaa waxaa fal fool xun kula kacay qarkamida ciidan nabadgalyada wadooyinka oo si badheedh ah gacan iyo awood ugu adeegsaday Abwaanka, Dhacdadan Foosha xun ee Dhex martay ciidanka taraafikada iyo abwaan xasan daahir ismaaciil (weedhsame) ayaa dhacday Maalintii Sabtidii xili gaadhi abwaanku lahaa oo horyaala Wasaarada waxbarshada Ay askar ka tirsan ciidanka taraafikadu isku dayeen in ay Ka Banjariyaan taayirada gaadhi balse uu abwaanku la kulmay iyagoo ku guda jira banjarinta taayirada gaadhi Abwaan Weedhsame oo aan wax ka waydiiyay sida uu u dhacay falkan dhexmaray ciidanka nabadgalyada wadoyinku iyo waxa ay gaadhsiiyeen ayaa noo xaqiijiyay arinta iyo halka ay ka dhacday Wuxuna yidhi “Walal waxay ahayd Maalintii sabtidii gaadhi Aan aan watay oo horyaala wasaarada waxbarashada, ayuunbaan kusoo baxay askari taraafig oo banjarinaya taayirada gaadhiga waxaanan waydiiyay maxaa dhacay askarigii? wuxuu iigu jawaabay ka qaad gaadhiga meesha madaxwaynihii ay soo marayeen”ana waxaan ugu jawaabay gaadhigu wuxu yaal baarkinkii wasaarada waxbarashada, waxaaba ku xigtay in ay xoog iyo dagaal igu bilaabaan, ayuu yidhi abwaan weedhsame, Nasiib daro se waxay markii ciidanku bilaan in xoog iyo awood igu kaxaysaan ayuu yidhi, Maaha markii uhoraysay ee askartan taraafikada ahi ay dad shacabka kula kacaan falkan noocan oo kale wallow ay ku guuldarayseen in abwaan weedhsame ay xidhaa shacabkii goobtan ku sugnaa oo ka dhiidhiyay awgeed HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA CIIDANKA TARAAFIKADA OO SI SHARCIGA KA BAXAN ULA DHAQMAYA ABWAANKA;
Related posts:“Xukumadda Maanta Somaliland Ka Talisaa Waxay Garan Wayday Intii Ninkii Shegaha La’aa Gartay..” Xasa... Maxaa Ku Qarsoonaa Astaanta Xisbiga Kulmiye Ee Salaanta Labada Gacmood ? Guul Iyo Guul Darro Midkay... “Dagaalkii Maanta Ayuu Inoo Bilaamay, Waa Jihaad Aynu Tallada Dalka Ku Badbaadinayno, KULMIYE Heshii... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|