“Xafladaha Qalin Jabinta Iyo Meheraduna Waxay Noqdeen Muraayado Waawayn, Oo Caqliyada Iyo Aragtida fashilan Ee Siyaasiinta Iyo Madax-dhaqameedka Laga Daawado”laabsaalax. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Xafladaha Qalin Jabinta Iyo Meheraduna Waxay Noqdeen Muraayado Waawayn, Oo Caqliyada Iyo Aragtida fashilan Ee Siyaasiinta Iyo Madax-dhaqameedka Laga Daawado”laabsaalax.
September 25, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Abwaan xasan dhuxul laabsaalax oo kamid ah hal abuurka dhalinyarada somaliland ee yagiga somalidu dagto sida wayn looga yaqaan ayaa ka dareen celiyay hadalada ay siyaasiyiinta iyo madaxdhaqameedka uga faa,iidaystaan xafladaha qalin jabinta iyo meherada oo mudooyinkii udanbeeyay noqday meelaha ay ka faafiyaan aragtidaada.

Abwaan Xasan dhuxul ayaa dhaqanada noocan ah ku tilmaamay arin dhaqan xun ah ooay siyaasiyiinta iyo madax-dhaqameedku kusoo kordhiyeen bulshada ,

Dhanka kale abwaan xasan dhuxul ayaa siyaasiyiinta iyo madaxdhaqameedka ugu baaqay in ay ka waantoobaa falalka noocan ah isagoo xusuusiyay in goobaha looga baahan yahay dhiirigalin iyo duco balse aan looga baahnayn yooyootan iyo isku jawaabis,

Abwaan xasan oo qoraal uu arimahan kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga ayaa udhignaa Sidan;

 

“Yaa qalin Jabinaya? Waar yaa Qalin jabinaya ama mehersanayaan ku idhi midbaan digada ka soo dhigayaaye, —

Waa Dhaqan iyo anshax xumo hor leh oo siyaasiyiinta iyo madax dhaqameedku ay ku soo kordhiyeen xafladaha meherada iyo qalintabinta jaamacadaha, iyagoo adeegsanaya warbaahinta kuwooda ugu liita damiir ahaan iyo aqoon ahaanba-

Xafladaha Qalin Jabinta iyo meheraduna waxay noqdeen Muraayado waawayn oo caqliyada iyo aragtida fashilan ee siyaasiinta iyo Madax dhaqameedka laga daawado

#siyaasi/suldaan – hadii lagu soo casuumay, iyadoo haldoor lagu biddayo, iyadoo hormuud laguu haysto, iyo iyadoo tusaale laguu qabo-

laguuguma soo casuumin in da,yarta, iyo ubaxa, iyo awooda qalbiyadooda farxadu hadhaysay- ee u dabaaldagaya maalintooda farxada, dhagahooda aad ku rushayso- muran iyo yooyootan aad ugu duur xulayso cid aad is haysaan,

xafladaha qalinjabinta jaamacada dhiirigalin baa looga baahan yahee dhaleecayn loogama baahna. Bogaadin baa looga baahan yahee been loogama baahna,

Waar adeer hanbalyaa looga baahanyee, hirdan iyo hanjabaad loogama baahna

Xafladaha Meherkana ducaa looga baahan-yahee loogama baahna duris iyo dagaal,

Dhaqanada hada soo baxay ha ka waantoobaan cida u Banbaxday,Ayuu abwaanku hadalkiisa kusoo xidhay,

 

COMMENTS
LINKS