|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Ganacsiga Oo Xaqiijiyay In La Joojiyay Shidaalkii Oktoobar Dalka La Keeni Lahaa
September 26, 2019 - Written by Editor:Hargeysa (W,N)-Xukuumadda Somaliland ayaa xaqiiqo ku tilmamaatay war uu shalay baahiyey Wargeyska Geeska Afrika, warkaas oo nuxurkiisu ahaa in Xukuumadda Somaliland joojisay Shidaalka dalkan iman lahaa bishan iyo bisha dambe, isla markaana amarkan lagu joojinayo shidaalka uu soo saaray Maareeyaha Haamaha Shidalka. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Maxamuud Xasan Sacad Saajin oo Wargeyska Geeska Afrika weydiiyey warkan, ayaa yidhi “Haa waa dhab oo Warqadaasi way jirtaa, waxaana warqadan soo saaray Maareeyaha Haamaha Shidaalka, Xukuumadduna mar walba danta dadka iyo dalka ayey eegaysaa, markaas imikana arintan waxaad weydiin kartaan oo jooga Maareeyaha Haamaha Shidaalka Xasan”. Dhinaca kale Wasiirka Ganacsiga ayaa ka gaabsaday inuu na siiyo faah-faahin ku saabsan arintan. Related posts:War Deg Deg Ah:- Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay Inay La Wareegayso Libaaxyada Cali Waran Cade. Daawo: Khasaare Dhimasho iyo Dhawaac oo Ka Dhashay Shil Gaadhi oo Ka Dhacay Bartamaha Magaalada Harg... DAAWO; Qoraa Cali Qoryoolay Oo Taageeray Hadalkii Maayarka Burco, Muxuuse Ka Yidhi Khilaafka Golaha ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|