Wasaaradda Horumarinta Biyaha Oo Iftiimisay Xuquuqda Lahaanshaha Biyaha Ee Dalka! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasaaradda Horumarinta Biyaha Oo Iftiimisay Xuquuqda Lahaanshaha Biyaha Ee Dalka!
September 17, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Agaasimaha waaxda shurruucdda  ee Wasaaradda  Horumarinta khayraadka Biyaha  Maxamed Xasan Muumin  ayaa faah-faahin  sharrci ka bixiyay  xuquuqda lahaanshaha ee dhinaca byaha ee e dalka.

Agaasimuhu waxa uu soo qaatay qodobada dhinacca sharciga ah ee la xidhiidha lahaanshaha khayraadkaa ee xeerka Biyaha dalka o u dhigan ssidan.

XUQUUQDA BIYAHA IYO RUQSADAHA BIYO SOO SAARIDA

Qodobka 9aad Lahaanshaha/wada lahaanshaha

Lahaanshaha khayraadka biyaha dabeeciga ah waxa loo igmaday Dawladda Somaliland oo uga wakiil ah muwaadiniinta Somaliland.Dawladduna waxay mas’uuliyadda u dhiibtay Wasaaradda Khayraadka Biyaha iyadoo raacaysa distoorka iyo XEERKAN Biyaha qaranka Lambar 49/2011

Isticmaalka khayraadka biyaha waa in lagu maamulo XEERKAN iyo shuruucda la xidhiidha ee ku haboon ee nidaamyada hab-maamulka Dawladda Somaliland.

Qodobka 10aad Lahaanshaha gaarka ah

Gaar looma yeelan karo khayraadka biyaha dabiiciga ah sida: kayd biyood, webi, biyo fadhiisi, biyo mareen, iwm.

Khayraadka biyuhu waa hanti qaran, lagumana sheegan karo lahaansho dhul dhinca ku haya ama ku dhexyaal biyo sida Haro, Ceel, Bad, Doox, iwm.

Adeegyada khayraadka biyaha marka laga soo saaro kaydka dabeeciga ah ayuu adeegsigiisu noqon karaa Lahaansho gaar ah oo waafaqsan shuruucda biyaha.

Soo saaridda khayraadka biyaha wuxu mulkiiluhu ku iibin karaa si waafaqsan shuruucda biyaha, iibiyaha biyaha dadku cabayo waa inuu fuliyo shuruudaha ku xusan qodobka 45.1

WAXA DIYAARIYAY AFHAYEENKA WASAARADA BIYAHA MAXAMED-AMIIN JIBRIIL CISMAAN

HARGAYSA SOMALILAND

COMMENTS
LINKS