Wargeys Ka Soo Baxa Dalka Uganda Oo Waxka Qoray Dullucda Socdaalka Madaxweynaha Somaliland Ku Tagay Jabuuti! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wargeys Ka Soo Baxa Dalka Uganda Oo Waxka Qoray Dullucda Socdaalka Madaxweynaha Somaliland Ku Tagay Jabuuti!
September 4, 2019 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Wargeyska East African Business Week ee ka soo baxa dalka Uganda ayaa ka faalooday  Booqashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu  ku tagay dalka Jabuuti.

Siday baahisay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA oo soo xigatay Warbixinta Wargeyska East African Business Week, oo ciwaankiisu ahaa “Madaxweynaha Somaliland oo booqasho ku tagay Jabuuti si uu kor ugu qaado cilaaqaadka ganacsi ee ka dhexeeya labada Waddan.”

Warsiduhu wuxuu intaas ku daray in booqashada madaxweyne Muuse Biixi ay ka dhalatay martiqaad uu ka helay dhigiisa Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle, waxaanu tilmaamay inay  wadajir uga xaajoonayaan arrimaha nabadgelyada, dhaqaalaha iyo ganacsiga  dhinaca xeebaha.

Waxa kaloo  Wargeysku intaas ku daray in Jamhuuriyadda Somaliland ay ballaadhinayso marsaddeeda Berbera, halka dawladda Jabuutina ay kor u qaaday  dekedda Jabuuti.

Warsiduhu wuxuu intaas in Jamhuuriyadda Somaliland oo aan wali rasmi ahaan loo aqoonsani ay haddana cilaaqaad wanaagsan la leedahay dalalka la jaarka ah, gaar ahaan Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya.

Wargeysku wuxuu intaas ku daray in dalalka Somaliland iyo Jabuuti ay tusaale wanaagsan u yihiin soo jiidashada maalgashiga shisheeyaha iyo  martigelinta quwadaha millatariga adduunka.

XIGASHO; WAALADA WARARKA EE SOLNANEWS.COM.

 

COMMENTS
LINKS