|
|||||
WAJAALE NEWS
Warbaa Jira Aan La Baahin, Waxbaa Jira Aan La Sheegin!W/Q;Maxamed F, Qoti.
September 11, 2019 - Written by Editor:Mudo haatan laga joogo 28-Sannadood iyo waxoogaa war baa jiray aan la baahin, waxbaa jiray aan la sheegin, heeso ayaa jiray ay ka xishoon jireen baahintooda wariyayaasha ka hawl-gala barnaamijyada Dalabaadka Heesaha warbaahinta Maqalka-Baahiyaha ee Radio Hargeysa, sababo jiray awgood. Markii uu talada dalka la wareegay Madaxweynihii labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, M.X.I. Eggal lagama baahin jirin warbaahinta Maqalka-Baahiyaha ee Radio Hargeysa, heestan tidhaahda, Waadigan’se liitee, leexadu ku sidatee hadba laan cugsanayee. Markii uu ku guuleysatay hoggaaminta talada dalka Mudane, Daahir Rayaale Kaahin waxa jiray laba heesood oo aan laga baahin jirin warbaahinta Maqalka-Baahiyaha ee Radio Hargeysa, heesta tidhaahda, Daahir, aramadaadiidii waxay uurka jiifataba afka aan ka dhowraba ka adkeysan waayee, iyo heesta tidhaahda Xilkaanu kuu dhiibanee, Naf iyo dhimashaba lahaa. Ka dib, markii uu ku guuleysatay hoggaaminta talada dalka Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa jiray sadex- heesood oo aan laga baahin jirin warbaahinta Maqalka-Baahiyaha ee Radio Hargeysa, heesta tidhaahda, Sumal yahow Darbani, naylaha duduuc, oo dacawadii dabada hunbulneyd yey kaa daldalan, heesta labaad ee tidhaahda, Nin agoon ku xaday qalin qaaxo kama fogaadee… iyo Heesta saddexaad ee tidhaahda, Siyaasadii dibadiyo, Dalkiyo tii tiil gudaha….. Isla wakhtigan uu ku guuleysatay hoggaaminta talada dalka Mudane, Muuse Biixi Cabdi waxa jiray afar heesood oo aan laga baahin warbaahinta Maqalka-Baahiyaha ee Radio Hargeysa, heesta tidhaahda, korneyladii dhaartayow, dharaar yaable baad baxdeen, dhulkiinaad u hiiliseeneey dhurta, walaalayaal dhurtoo midhkaa dhacay ha guranina iyo heesta labaad ee tidhaahda. Aduunbaan wax dhaadinee Igu dheeridaa ma dhul gaaxdey ba tahey Sidoo lay dhiijaan wali Dhillow yahan sidiisii Ammaa aan dhulkaba qodo Igu dheeridaa Dhabaduu u seexdaan Anoo dheel arooryaad Dhaxal kayga uma helo Igu dheeridaa Marka aynu ka nimaadno Xisbiga tallada dalka ahaya ee Nabada, Midnimada iyo Horumarka (KULMIYE) oo aaminsan afkaarta iyo mabaadii’da ku salaysan dimuqraadiyadda aan ka hor imanayn shareecada islaamka, kaasoo la aassaasay bishii May Sannadkii 2002-dii iyo Xisbiga CADAALADA IYO DARYEELKA ee (UCID) oo afka qalaadna loogu yeedho Justice and Welfare party (JWP) xisbigan siyaasiga ah oo aaminsanaa afkaarta iyo mabaadii’da ku salaysan dimuqraadiyadda ee aan ka hor imanayn shareecada islaamka, kaasoo la aassaassay 18-kii bishii Siddeedaad ee Sannadkii 2001-dii. Ka dib, markii la aassaassay Xisbi siyaasadeedka WADDANI oo aaminsanaa afkaarta iyo mabaadii’da ku salaysan dimuqraadiyadda ee aan ka hor imanayn shareecada islaamka, Xisbigaas oo la aassaassay taariikhud markay ahayd 6-dii bishii 10-aad Sannadkii 2011-kii. Mudadaasi waxa jiray heeso ay ka xishoon jireen baahintooda wariyayaasha ka hawl-gala barnaamijyada dalabaadka heesaha warbaahinta Maqalka-Baahiyaha ee Radio Hargeysa, heesta tidhaahda, Waa loo dhashaa wadani Kuwii ku dhaantee Waa loo dhashaa wadani Ruuxii dhulkiisaa u dhaarsanaayee Haddaba dhibic ka mid ah sheekadan waxaan u dhaafayaa dadweynaha illa wadaaga baraha bulshada Afartaa heesood ee hadhay waa kuwee? QALINKII; Qoraa Maxamed Faarax Qoti COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|