Waftigii Madaxwaynaha Jsl Oo Natiijada Socdaalkoodii Jabuuti Shacabka Ugu Sharaxay Hees Iyo Dareenka Ay Xanbaarsan Tahay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waftigii Madaxwaynaha Jsl Oo Natiijada Socdaalkoodii Jabuuti Shacabka Ugu Sharaxay Hees Iyo Dareenka Ay Xanbaarsan Tahay!
September 6, 2019 - Written by Editor:

“Ninka Daris Wanaagiyo Samuhu Aanu Deeqinoow Cirka Sare Bal Soo Dumi”Fariinta Heestii Waftiga.

HARGAYSA(W,N)-Madaxwaynaha somaliland iyo wafti uu Hogaaminayay oo safar sedex cisho qaatay ugu maqnaa dalka Jabuuti oo maanta kusoo guryo noqday dalka ayaan wax faah faahin ah ka bixin waxyaabaha ay kasoo wada hadleen madaxda dalka jabuuti iyo masuuliyad ahaan waxa ay bulshada kusoo war celiyeen.

Hadaba Arintan ayaa shacabka reer somaliland iyo cidkasta Oo Si dhow ula socotay safarkooda ku noqotay amakaag sobobta madaxwaynaha somaliland ugu sheegi waayay waxa uu kala soo kulmay socdaalkiisa jabuuti iyo ujeedada uu u tagayba.

Marka laga reebo hees dareeno kala duwan abuurtay xanbaarsana weedho dayro leh oo lagu codeeyay muuqaalka waftiga taasi oo fasiir ka bixinaysa somaliland iyo dalalka jaarka ay yihiin sida ay ula dhaqmayaan

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WAFTIGA MADAXWAYNAHA IYO FARIINTA AY XANBAARSAN TAHAY HEESTA LOO XUSHAY SOO GURYO NOQOSHADOODU;

COMMENTS
LINKS