Siyaasi Duur Oo Xukuumada Ku Dhaliilay In Aanay Juhdi Galin Nabadaynta Ceel Afwayn. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasi Duur Oo Xukuumada Ku Dhaliilay In Aanay Juhdi Galin Nabadaynta Ceel Afwayn.
September 23, 2019 - Written by Editor:

Hargeysa (W,N)- Wasiirkii Hore ee Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur), Oo madal kulmisay haldoorka somaliland ka hadlayay ayaa xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ku canaantay in ay ka gaabisay sidii looga shaqayn jiray colaadaha dalka ka dhaca isagoo si gaara farta ugu fiiqay xal u helid la,aanta colaadda ceel afwayn oo  soo noq-noqotay ee deegaanka Ceel-Afweyn,

Siyaasi Duur Ayaa Xukuumadda iyo qaybaha kale ee bulshada usoo jeediyay in wada-jir looga hawl-galo xal-u-helidda colaadda soo noq-noqonaysa ee Beelaha deegaanka Ceel-Afweyn.

Isagoo arimahaasi ka hadlayana wuxu yidhi; “waxaa aad inoogu soo noq noqday oo fool xumadeeda qadiyadaaa bariga waa nabar inagu taagan walaaladeen dagaal wayn dhigi waayeen, La garan maayo guusha ay iska gaadhayaan aan ka ahayn dhiig, qax iyo burbur, way innaga hadhi wayday, inaynu sug maaha, waxaynu u baahannahay, inaynu is-weydiinno maxaa qaldan oo meeshani u bogsan wayday Uma baahna in aynu halkan tacsi ka dirno,” Sidaas ayuu yidhi Ex-wasiir Maxamed Nuur Carraale (Duur).

dhanka kale Siyaasi Duur ayaa isbar-bardhigay doorka ay ka qaadan jireen dedaallada nabadeed ee xukuumadihii dalka soo maray, waxaanu si gaar ah u tilmaamay in xukuumadda xilligan jirta ee madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka gaabisay doorkeedii nabadeynta.

Nabaduna runtii  dee anigu waan ka soo shaqeeyay

“Nabaddu Awooddii ay lahayd, Xukuumaddani maanta joogtaa ma Galiso; nabadda dhaqaale ayaa la gelin jiray, gurmad baa la gelin jiray, socod baa la gelin jiray, intiiba way maqan tahay. Intii shacabku waxaad mooddaa laba jeer ee culimada aynu dirnay inay ku eegtahay. Siyaasadna igama aha ee waxaan leeyahay aan ku darsanno dareennada jira,” Sidaas ayuu yidhi Maxamed Nuur Carraale (Duur).

Wajaalenews Desk

Hargaysa Office

 

COMMENTS
LINKS