Masuuliyiin Kormeer Ku Tagay Ceel Biyood Laga Hirgalinayo Mashruuca Banka Tog Wajaale. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Masuuliyiin Kormeer Ku Tagay Ceel Biyood Laga Hirgalinayo Mashruuca Banka Tog Wajaale.
September 26, 2019 - Written by Editor:

TOG WAJAALE(W,N)- Maamulka gobolka gabiley ,madaxdhaqameed iyo maamulka magaalo ganacsiyeedka tog wajaale ayaa kormeer ku tagay ceel biyood laga hirgaliyay banka mashruca wajaale oo laagu talo galay in laga waraabiyo bulshada magaalada tog wajaale.

Ceelbiyoodkan ayaa waxaa shacabka deegaanka wajaale ugu deeqay muwaadin udhashay dalka kuwait.

Sheekh faarax oo kamida bulshada reer somaliland ee deganaa dalka kuwait ismarkaana hormuud ka ahaa in uu suurto gali qoditaanka ceel biyoodkani ayaa ugu horay umahad celiyay muwaadin udhashay dalka kuwait ceel ugu deeqay shacabka deegaanka wajaale.

Sidoo kale waxaa hirgalinta ceel biyoodkan ug mahad celiyay cidkasta oo gacan ka gaysatay badhasaabka gobolka gabiley maayarka magaalada gabiley iyo xubno salaadiyiin ah

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS