|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Lafilayo In Uu Safar Ugu Baxo Dalka Jabuuti Iyo Waxa Uu Daaran Yahay!
September 2, 2019 - Written by Editor:HARGAYSA (W,N)-Madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Iyo Wafti oo hogaaminayo ayaa lafilayaa in uu safar ugu baxo Dalka Aynu jaarka nahay ee Jamhuuriyada Jabuuti. Wararka aanu ka helayso safarka madaxwaynaha jsl ku tagayo dalka jabuuti ayaa sida ay Shabakada Wararka Ee Wajaalenews.net Uxaqiijiyeen ilo lagu kalsoon Ayaa sheegaya in maalinta bari ah uu madaxwayne safar ugu baxayo dalka Jabuuti oo sida ay xogahani tibaaxeen uu casuumad ka helay dhigiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele. Socdaalka Madaxwayne Biixi Ee dalka Jabuuti ayaan wali si cad loo ogayn ujeedadiisa iyo waxa uu daaran yahay. Wararka kale ee Safarka madaxwaynaha laga helayso ayaa tibaaxaya in madaxwayne Biixi uu madaxwayne geele ugu yeedhay qorshe ay damacsan yahay kaasi oo la xidhiidha marinka Badacas iyo Arimaha wakhtigan ka taagan oo dalka jabuutina danaynayo sidii u awood siyaasadeed ugu yeelan lahaa wallow xogaha qaar ay sheegeen in dalka jabuuti Wixii laysku odhan jiray somaliya ay u matalaysay mudo xubinnimada ururka Badacas, taasi oo xiligan ay olole ugu jirto sidii ay usii haysan lahayd. Halka Ilo wareedyo kale ay tibaaxeen In safarka madaxwayne Biixi ku tagayo jabuuti uudaaran yahay sidii loo dardar galin lahaa wada hadalkii Somaliland Iyo Somaliya oo mdaxwayne geele danaynayo bilowgiisa.socdaalka Madaxwayne Biixina gogol xaadh u yahay qorshahaasi. Safarka madaxwaynaha Somaliland ugu baxayo dalka jabuuti ayaa kusoo beegmaysa xili uu madaxwaynaha somaliya farmaajo safar noocan oo kale ku joogay dalka jabuuti mudo laba todobaad ka hor. Dhanka kale Madaxwayne Biixi ayaa maanta shirkii golaha wasiirada waxay kaga hadleen arimo la xidiidha wada hadalka somaliya Shirkan oo uu gudoominayay madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi kaasi oo isna shaacintiisu qayb ka noqonayo dareenka laga qabo in madaxwayne Biixi Jabuuti u tagayo sidii wada hadalada dib loogu bilaabi lahaa. WIXII KASOO KORDHA SOCDAALKA MADAXWAYNAHA EE DALKA JABUUTI KALA SOCO WARARKEENA DANBE IYO WAJAALENEWS.NET WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|