|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Booqasho Ku Tagay Dekeda Jabuuti Iyo Goobo Kale.
September 4, 2019 - Written by Editor:JABUUTI(W,N) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse biixi Cabdi iyo Weftigii uu hoggaaminayey ee safarka shaqo ku joogay Dalka Jabuuti oo maalintii labaad ku guda jira hawlihii shaqo ayaa maanta oo arbaca ah booqasho ku tegay aaga cashuuraha ka caagan (Freezone)ka Jabuuti, iyadoo lagu soo wareejiyey dhismaha freezone ka cusub oo gacanta lagu hayo wakhtigan, waxaana weftiga madaxweynaha la tusay muuqaalka uu yeelan doono mustaqbalka markuu dhammaado.
Sidoo kale weftiga madaxweynuhu isla maanta waxa uu booqday dhismaha dhaam biyood balaadhan oo laga wado Carta. Ugu danbayntiina waxa madaxweynaha iyo weftigiisu booqdeen deegaanka Weeca oo u dhaw carta waxaana weftiga warbiximo ka siiyey masuuliyiin uu ka mid yahay wasiirka biyaha, xannaanada xoolaha, kalluumaysiga iyo Beeraha Mudane Maxamed Cawaale (Maxamed Soomaali). waxaana kormeerkaa ku wehelinaayey masuuliyiin kala duwan iyo safiirka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti. Related posts:Urur-goboleedka IGAD oo wada qorshe lagu Calaamadinayo Xuduudka u dhexeeya Jabuuti iyo Somaliland iy... “Hadiiba Wadahadaladii Dib Loo Bilaabayo Waxa Muuqata Tijaabadii Hore Ee Fashilantay, In labadii Dhi... Daawo:Wixii Kala Qabsaday Gudoomiye Muuse Biixi Iyo Saxaafada, Doodii Wariyaha + Jikaarkii Muuse Bii... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|