|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxtooyada Oo Guurtida Dib Ugu Soo Celisay Mid Ka Mid Ah Labada Xubnood Ee Ay U Xuleen Ka Mid Noqoshada Guddiga Cusub Ee Doorashooyinka
September 14, 2019 - Written by Editor:Hargeysa(W,N)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa shirgudoonka golaha guurtida dib ugu soo celiyay mid ka mid ah laba xubnood oo uu guddoomiyaha golahaasi Saleban Maxamuud Aadan u gudbiyay si ay uga mid noqdaan guddiga cusub ee doorashada. Warar xogogaala oo uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in Mr. Foosi Maxamed Faarax oo ka mid ahaa labada xubnood ee uu guddoomiye Saleban xulay ay madaxtooyadu soo celisay. Lama sheegin sababta ay madaxtooyadu u soo celisay xubintaas. Guddoomiye Saleban ayaa toddobaadkii hore Madaxweyne Biixi u gudbiyay labada xubnood ee uu u xulay ka mid noqoshada guddiga cusub ee doorashooyinka. Marka laga tago Mr. Foosi oo la soo celiyay xubinta labaad ee uu guddoomiye Saleban gudbiyay ayaa ah Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil (Dixood). Guddoomiye Saleban ayaan weli madaxtooyada dib ugu celin xubinta uu ku bedelay xubinta la soo celiyay, waxase la filayaa inuu maalmahan xulo xubin kale oo buuxisa jagada xubinta la soo celiyay. Geesta kale Madaxweyne Biixi ayaan weli xulin saddexda xubnood ee uu sharcigu awooda u siiyay inuu soo xulo, sidoo kalena labada xisbi mucaarad UCID iyo Waddani ayaan iyaguna gudbin labadooda xubnood. Laakiin xubnaha Madaxweyne Biixi iyo labada xubnood ee labada xisbi mucaarad waxa ka taagan loolan adag oo u dhexeeya shakhsiyaad kala duwan oo baratan ugu jira inay buuxiyaan xubinimada. XIGASHO WARGAYSKA GEESKA
Related posts:Qosolkii biixi;qaadanwagii samaale,laba qalbilayntii siilaanyo iyo dagaal qarsoon ee kulmiye la isku... Halkan Ka Daawo:Shirkada Dahab Shiil Oo Si Wayn Uga Qayb Qaadatay Tartanka Orodka Ee Ka Furmay Magaa... Ururada Wadaniga Ah Ee TRG Iyo HYDA Ayaa Xaflad Soo Dhawayn Ah U Sameeyay Agaasimaha Guud Ee Wasaara... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|