|
|||||
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Oo Madaxweyne Biixi U Gudbiyay Labada Xubnood Ee Uu U Xulay Guddiga Cusub Ee Doorashooyinka+Magacyadooda!
September 11, 2019 - Written by Editor:Hargeysa(W,N)-Guddoomiyaha golaha guurtida Md. Saleban Maxamuud Aadan, ayaa Madaxweyne Biixi u gudbiyay labada xubnood ee golaha guurtida u meteli doona guddiga cusub ee doorashooyinka. Inkastoo aanu jirin war rasmi ahi, warar xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in guddoomiye Saleban uu Madaxweynaha u gudbiyay labadaas xubnood oo magacyadoodu kala yihiin: Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil (Dixood) Foosi Hiraab Gale Labadan xubnood, ayaa noqonaya xubnaha u horeeya ee guddiga cusub ee doorashada, waxaana la filayaa inay labada xisbi mucaarad iyaguna maalmahan gudbiyaan labadooda xubnood, Madaxweyne Biixi ayaa isna la sheegay inuu diyaariyay saddexda xubnood ee uu soo xulayo, waxaanu u gudbin doonaa golaha wakiilada oo iyaguna codka kalsoonida u qaadi doona. XIGASHO GEESKA
Related posts:Madaxweynaha Somaliland oo Ka Qayb-galay Qalin-jebinta Dufcaddii Afraad ee Ka Baxda Jaamacadda Sanaa... Xeerka Uu Baarlamaanku Ansixiyey Haddii Uu Madaxweynuhu Saxeexo Waxa Iman Doonta In Loogu Daato Mada... DAAWO;-Afhayeenka Ururka ONLF Oo Si Kulul Uga Hadlay Colaada Gobolka Siti Ee Udhaxaysa Somalida Iyo ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|