|
|||||
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Oo Madaxweyne Biixi U Gudbiyay Labada Xubnood Ee Uu U Xulay Guddiga Cusub Ee Doorashooyinka+Magacyadooda!
September 11, 2019 - Written by Editor:Hargeysa(W,N)-Guddoomiyaha golaha guurtida Md. Saleban Maxamuud Aadan, ayaa Madaxweyne Biixi u gudbiyay labada xubnood ee golaha guurtida u meteli doona guddiga cusub ee doorashooyinka. Inkastoo aanu jirin war rasmi ahi, warar xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in guddoomiye Saleban uu Madaxweynaha u gudbiyay labadaas xubnood oo magacyadoodu kala yihiin: Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil (Dixood) Foosi Hiraab Gale Labadan xubnood, ayaa noqonaya xubnaha u horeeya ee guddiga cusub ee doorashada, waxaana la filayaa inay labada xisbi mucaarad iyaguna maalmahan gudbiyaan labadooda xubnood, Madaxweyne Biixi ayaa isna la sheegay inuu diyaariyay saddexda xubnood ee uu soo xulayo, waxaanu u gudbin doonaa golaha wakiilada oo iyaguna codka kalsoonida u qaadi doona. XIGASHO GEESKA
Related posts:Komishanka Tamarta Jsl Oo Daahfuray Liisanka Tamarta Iyo Waxyaabaha Uu Kaga Duwan Yahay Kuwii Hore! Musharaxa Cabdiraxmaan Cirro Oo Jawaab Ka Bixiyay Hadalkii Madaxwayne, Sheegayna In Doorashada Madax... DAAWO;-Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Oo Markale Ka Hadlay Qaabka Ay Ardayda Fasalada Afraad Uga... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|