|
|||||
WAJAALE NEWS
Fadeexado Musuqmaasuq oo Kasoo Ifbaxay Wasaarada Caafimaadka Jsl iyo Talaabooyinka Ku Cusub Shaqada Qaranka, ee Ay Ku Talaabsadeen..W/Q:-Nouman M Muse
September 29, 2019 - Written by Editor:Waasarada hormarinta caafimadka S.land way hadal deysey waxeegu waa Daahir yaashamis? Liiska waxaa ku jira sida ay xaqiijiyeen qaar kamida shaqaalaha caafimaadka Ilaaliye (Watchman) istoodh haye & dhawr xooghayayasha masuuliyinta wasaarada ah. Todobada dumara ee halkan hoose ku qoran magacyadooda oo saddexan, waa todoba Dirawal waxey qaadayaan masuuliyinta wasaarada hormarinta caafimaadka somaliland oo safaro shaqo ugu kala bixi doona gobalada galbeedka & Barriga somaliland sida ku cad warqada lifaaqa xaga hoose, sida oo kale isla dumarkaas uun baa shaqada kormeerka qabanaya. Shaqsiga kormeerka ku sameynaya waxa looga baahan yahey inuu ka aqoon badan yahey shaqsiga wax talaalaya, si uu qaladaada shaqaalaha ku iman kara u saxo? Xirfadlaha caafimaadka iney xogheymaha masuuliyinta wasaarada hormarinta caafimaadka somaliland kor meeraan sharaf dhac iyo niyad jab ayey ku tahey waxeyna ku tuseysaa ineyna masuuliyinta wasaarada shaqada daacad ka aheyn. Laakin ay yihiin baris raadis Waxa kale oo ceeb labaada masuuliyintan oo shaqada qaranka u haya inay Guno weydiistaan haayad, shaqaale hoosaadkiisa ku dhex qoran yahey, sida ku cad warqada xaga hoose ka muuqata ee lagu socodsiinayo WHO. Geela duqdiisu durduriso aarankiiisa maxaad umaleyn? Masuuliyinta sida wasiirka caafimaadka, wasiir ku xigeenka & agaasimaha guud ayaa sidaas sameyey maxaad shaqaalaha kale umaleyn, iyada oo aan ogsoonahey misaaniyada Qaranka ugu jiraan mushaarkiisa, Gunadiisa & shidaalka agaasimaha Guud? Marka ay masuuliyinta wasaarada ugu sareeya warqadaha noocan u qorayaan haayadaha iyo deeqbixiyasha, maxay ka aaminayaan, ama sideey ula macaamilayaan dalka & dadka noocan ah. Xirfadle caafimaadka waa buuxaa lamana waayin, dhibta waxa keeney masuuliyad daro ay la yimaadeen masuuliyinta wasaarada hormarinta caafimadka somaliland , ilmaha irbadaas wax lagu yeelo amaba xadi kabadan la siiyo talaalka ayaa ka masuula waxyeelada soo gadha? Agaasimaha guud wasarada hormarinta caafimaadka somaliland meesha waxa uu ka dhigtey pharmacigiisa dawada Qaaxada ku iibin jirey? Talaalka somaliland wax la isku heleyn karo maaha, Shacabweynaha reer soomaliland waaa iney ka taxadiraan Umada reer somaliland waxay rabtaa cadaalad & shaqo hufan taasna waxaa usala aqoon tartan hufan leh lakin salka ku heyn qabiil, qaraabo, saxiibtinmo & Dano gaara, Waxa haboon shaqada in laqeexo marka la qeexo shaqada la qabanayo ayaa waxa la ogaan karaa dadka dadka ku haboon ee shaqada loo dirayo, Sawirada halkan idiin ka muuqda waa watchman wasarada hormarinta caafimadka somaliland talaalka fulinaya. Warqada ay ku qoran yihiin watchman, Dumar dirawala, masuuliyinta wasaarada ugu sareeya iyo xoogheynta Somali Activist Nouman M Muse Related posts:Mashaariicda DFID, Adam Smith International & Axiom International Waa Ku Halis Somaliland! Qormada 2... Aqoonyahan Cismaan Maxamed Badmaax Oo Tacsi Tiiraanyo Leh Udiray Qoyskii Iyo Qaraabadii Uu Ka Baxay ... Maxaa Sababa Khilaafaadka Xisbiyada Siyaasada Ee Dunida Saddexaad? Qalinkii; Cabdilaahi Beershiya. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|