|
|||||
WAJAALE NEWS
Dawladda hoose ee Hargeysa oo bilowday ku shaqaynta Diwaanka casriga ah ee kaydka xogta
September 29, 2019 - Written by Editor:Maayir Soltelco oo faahfaahin ka bixiyey faa’idada nidaamka E-governance ee loo wareejiyey adeegyada Dawladda hoose Maayirka Hargeysa oo ku sugan mid kamida xarumaha la dhigay diwaan-geliyaha casriga ah ee xogta Dawladda hoose Hargeysa(W.N):-Duqa Caasimada Hargeysa,ahna guddoomiyaha Golaha Deegaanka Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa saaka kormeeray barmaamuj cusub oo laga hirgeliyey degmooyinka Magaalada, kaasoo ah diwaan cusub oo lagu kaydinayo xogta Dhulka iyo Cashuuraha. Barmaamujkan oo ah nooca loo yaqaano E-governance, ayaa waxa tijaabadiisa la bilaabay muddo laba bilood ka hor ah, waxaanu maayirku kormeerkiisa ku sheegay in qaybo kamida lagu guulaystay oo lagu uruuriyey xogtii loo baahnaa. “hanaankani wuxuu inoo suurtogelinayaa in ay kala cadaadaan lahaanshiyaha Dhulka, kala iibsiga iyo macluumaadka kale ee muhiimka ah”sidaas waxa yidhi Maayirka oo wariyeyaasha kula hadlay Xafiiska Degmada Ibraahim Kood-buur. Sarkaal kamida howl-wadeenada mashruucan hogaaminaya ayaa isaguna sheegay in lagu guulaystay tijaabadii howshan. Halkan ka Daawo: Dawladda hoose ee Magaalada Hargeysa, ayaa sanadihii u dambeeyey dedaal xooggan ugu jirtay sidii ay u casriyeyn lahayd adeegyada ay Bulshada u hayso. Related posts:DAAWO;-Maayarka Caasimada Hargaysa Oo Dhagax Dhigay Xarumo Waxbarasho Oo laga Hirgalinayo Xaafada Cu... Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ansixiyay Wasiiro Tiro Badan Oo Kamid ah Xukuumada Cusu... DAAWO; Siyaasi Cabdilaahi Jawaan Oo Xukuumada Ku Dhaliilay In Ka Gaabisay Waxka Qabashada Arinta Ta... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|