|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasaarada Waxbarashada Jsl Oo Lafilayo In Maalinta Bari Ah Ku Dhawaaqdo Natiijada Imtixaanka Shahaadiga Ah Iyo Tirada Ardayda Sanadkan Ufadhiisatay!
August 14, 2019 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Wasaarada Waxbarashada Iyo Sayniska Jamhuuriyada Somaliland ayaa lafilayaa In maalinta bari ah ay ku Dhawaaqdo Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ee Ardayda Dugsiyada 8aad Iyo fasalka Afraad Ee dugsiyada sare ee Somaliland. Imtixaanka oo ay sanad ufadhiisteen kumanaan kamida Ardayda Reer Somaliland Ayaa sanadkan waxay wasaarada Waxbarashadu ay shaacisay in aanay jirin ardaydii Top tanku ee ugu sareeya imtixaanka ardayda dalka oo dhan. Sidoo kale sanad ayaa wasaarada waxbarashadu xooga waxay saartay ilaalinta qishka taasi oo la filayo in ay sanadka dhanka kale keento in dhacaan arday faro badani. Natiijada imtixaanka ayaa laga shaacin doonaa xarunta Wasaarada waxbarashada Jamhuuriyada Somaliland iyo dhamaan xafiisyada Gobolada Dalka ee wasaarada waxbarashada! Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Somaliland ayaa ah mid ku Guulaystay ilaalinta xogta imtixaanka Somaliland taasi oo ay kaga duwan tahay wadamada Africa oo badi ay hadheeyeen musuq maasuq dhinaca imtixaanka ahi gaar ahaan wadamada jaarka la ah Jsl oo iyagu marwalba oo ardayda ufadhiisata imtixaanka shahaadiga ay dhacaan in uu boxo imtixaanku islamarkaana ay wadamadaasi falalka noocaasi ay uxidh xidhaan Shakhsiyaad lagu eedayno in ay fududeeyeen fashilka imtixaanka iyo qishka ay ardaydu ku kacaan. Natiijada imtixaanka ardayda jamhuuriyada Somaliland ayaa laga war sugi doonaa waxa kasoo baxa maalinta bari iyo waxa uu kaga duwanaado shaacinta imtixaanadii hore ee Somaliland. WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:Gudoomiyaha Imtaxaanaadka Qaranka Somaliland Oo Jawaab Ka Bixiyay Hadal Ka Soo Yeedhay Agaasimihii H... DAAWO; Gudoomiyaha Diiwaanka Sakada Sheekh Siciid Oo Ka Hadlay Faa,iidada Tobanka Cisho Ee Dul Xaja. Madaxwaynaha DDSI Oo Ka Hadlay Isbadalka Ku Yimid Xidhiidhka Ganacsi Ee Udhexeeya Somaliland Mudadii... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|