Wasaarada Hawlaha Guud Iyo Maamulka Magaalada Wajaale Oo fuliyay Hawlgal Lagu Banaynayo Wadooyinka! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasaarada Hawlaha Guud Iyo Maamulka Magaalada Wajaale Oo fuliyay Hawlgal Lagu Banaynayo Wadooyinka!
August 15, 2019 - Written by Editor:

Tog Wajaale (WJN)- Masuuliyiin katirsan Wasaarada hawlaha guud iyo Guryaynta Somaliland Iyo Maamulka degmada Tog wajaale ayaa maanta dib ubanayn kusameeyay qaarkamida wadooyinka gudaha magaalada tog wajaale oo ay bulshadu xidhay mudadii lagu jiray udiyaar garowga ciida,

 Xoghayaha Degmada Tog wajaale oo isagu goob joog ka ahaa hawlgalanka ayaa shacabka magaalada wajaale uga digay in ay xidhaan wadooyinka meheraduhu aanay samaysan karin wax baran dayaal ah,

Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee wasaarada hawlaha guud  Eng Maxamuud Maal oo isagu hogaaminayay masuuliyiinta ka socday wasaarada ayaa isna dhiniciisa ka hadlay hawlgalkan lagu banaynayo wadooyinka dib loo degay.

Xoghayaha degmada tog wajaale cabdilaahi Xasan Samaale ayaa ka warbixiyay sidii u dhacay hawlgalka lagu banaynayay qaarkamid wadooyinka gudaha magaalada wajaale oo ganacsatadu dhex dageen mudadii lagu jiray ciida.

Dhanka kale xoghayaha dawlada hoose ee wajaale ayaa Bulshada reer wajaale ugu baaqay in ay u hogaan samaan town planeka magaalada kana fogaadaan in ay degaan meelaha aan ku haboonayn in ku ganacsadaan.

Xoghayaha ayaa sheegay in ay masuuliyad ahaan ay ku shaqaynayaan qorshaha loo sameeyay magaalada ee ay hagayso wasaarada hawlaha guud,  ganacsatada iyo meherada caadaystay in ay samaystaan barandayaal aan sharci daro ah ugu baaqay in ay  ka waantoobaan talaabadaasi.

Maaha markii ugu horaysayee gudaha magaalada wajaale laga fuliyo banaynta jidadka magaalada oo bulshada ku ganacsata magaaladu ay sifo sharci daro ah ku dhex degaan halka meherada waawayn ee magaaladu ay samaysaan baran dayaal mararka qaar xidha wadooyinka isku socod magaalada hal bowlaha u ah,

WAJAALENEWS DESK

TOG WAJAALE OFFICE.

 

COMMENTS
LINKS